Madaxweynihii Musuqmaasuqa Xididka U siibay

Date:

MADAXWEYNE MAGUFIL MADAXWYEN TANSINA SOO NOOLEYEY DADKIIS IYO DALKIISA RAJO U ABUUREY

Wiil Tanzanian Muslim ah baa cisho dhaweyd isagoo ka hadlaya “Doorashada dhawaan wadankiisa ka dhacday ayaa la weeydiiyey yaa ku guuleysan doonna?”

Wuxuu si sahlan u yiri insha allah “Madaxweyne Magufuli ayaa soo noqonaya”.

Oo maxaad sidaa u tidhi ayaa la weeydiiyey?”
Waxuu ku jawaabay sidan:

1) Madaxweyne Magufuli wuxuu hore u soo ahaa wasiir illaa 3 wasaaradood, wax walbana wuu ogaa. Maalintii uu xilka la wareegayba wuxuu xabsiga dhiggay aabihii musuq-maasaqa ee maareeyihii dekedda Dara-salaam oo uu dabagal ku hayay intuu musharaxa ahaa. Maareeyuhu wuxuu lahaa 2 qasri oo waaweyn. Wuxuu ku yidhi, mushaharkaaga oo dhami waa intaase xageed hantidan ka keentay? 2dii gurina midna caruurta ayuu u daayay, kii kalena dawladda ayaa la wareegtay, isagiina 10 sanno ayaa la xidhay.

2) Wax yar kadib, wuxuu isugu yeedhay 7da nin ee dalka ugu taajirsan oo kuligood Mulim Hindi ah. Wuxuu u keenay nin walba faylkiisa iyo intii ay cashuur la dhuunteen 10kii sanno ee u dambeeyay. Wuxuu ku yidhi, waad aragtaan waxaad na badeene, 10 cisho soo tashada oo igu soo war celiya. Maalintii tobnaad ayay keeneen $750, 000, 000 (750 malyuun oo doollar) oo ay iska soo ururiyeen. Tanzania illaa 60-kii xor bay ahayd, weligayana diyaarado aanu leenahay maanu yeelan. Lacagtii buu diyaarado waawayn Mareykanka kaga soo iibiyay oo Tanzania airline ku billaabay.

3) Shiinaha oo macdan-qodista ku helay heshiis musqmaasuq ah oo ay 80% ku qaadanayaa, 20% na ay Tanzania lahaydna dhammaan wuu joojiyey, wadankana wuu ka saaray. maxkamad baanu kugu dacwaynaynaa bay meelahaa la meeraystaan.

4) Wuxuu ku yidhi madaxda reer-galbeedka, anigu nina gurigiisa ugu tegi maayee, ninkii Tanzania dani kaga xidhan tahayoow noo kaalay.

5) Wuxuu u yeedhay ninka Afrika u taajirsan Aliko Dangote oo Nayjeeriyaan ah, wuxuu ku yidhi, deked weyn Mutuwaara nooga dhis, si Malaawi iyo wadamada bilaa badda ahi badeecada ugala soo degaan, 10ka sanno ee hore adigaa leh wixii ka soo baxa, wixii intaa ka dambeeyana anagaa leh. Dekedii sidaasay ku dhisantay.

6) Buurta Kiliminjaaro ee Africa ugu dheer oo xadka Kenya ku dhaw ayay dalxiiseyaashu intay Kenya ka soo degaan dhulka soo mari jireen. Wuxuu yidhi, Kenya buurtayada-dib-noogula-dhuuqi- mayso, marka xadka Kenya dalxiise kama soo talaabi karo, fiisuhu Daarasalaam buu yaallaa qofkii Kilimanjaro raboow. Iminka anaga keliyaa Kiliminjaaro noo irmaan tahay.

7) Hooyaday iyo aabahay oo Islaamka aad ugu dhegani, maalin walba waxay u duceeyaan Magufuli oo Masiixi ah!

😎 Markuu booqdo magaalo, wuxuu isugu yeedhaa dhammaan madaxda gobolka, booliska iwm wuxuuna dadweynaha weydiiyaa inay masuulkan ku qanacsan iyo in kale, hadii lagu oriyo masuulkaa, isla goobtaasuu xilka kaga xayuubiyaa, ka loo sacabiyana wuu u daayaa booskiisa!

Marka walaal cidi kuma haysato odaygee wuu guulaysanayaa ayuu hadalkiisii kusoo amaamuday!

Madaxweyne Magufuli waxaa uu ku guulaystay 84%.

Caawa oo taariikhadu tahay 18/3/2021 ayuu geeriyooday wuxu jiray 61 sano hogaamiye guulo badan u horseeday Dadkiisa ayuu ahaa isagoo la dagaalamey musqmaasuq hirgaliyey Nidaam wanagsan oo horumarineed wuxuu ahaa hogaamiye dhisay dalkiisa soona gaadhsiyey meel aanu Joogin marki hore taasi waxa sabab u ahay hogaamintiisa iyo La dagaalka Musuq maasuqa wuxuu ahaa hogamiyihii ugu wanaagsana Ee Soo Mara dalka Tansania .

BBC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...