UK: Dhakhtar Soomaali Ah Oo Shaqada Looga Joojiyay Ingiriisida Oo Ku Adag

Date:

Dhakhtar Soomaali ah ayaa dalka Ingiriiska laga mamnuucay in uu dhakhtarnimo ku shaqeeyo kaddib markii ay caddaatay in aanu Ingiriisiga ku hadalkeeda ku fiicnayn.
Dr. Cabdillaahi Cabdi Yuusuf oo ah 51 sano jir deggenaa magaalada Manchester ayaa ku doodaya in uu is baray lahjado Ingiriisi ah oo lagaga hadlo woqooyiga dalka, sidaas awgeed bukaankiisa iyo jaalka ay wada shaqeeyaanba ay is fahmaan. Laakiin si isdaba joog ah ayaa uu Cabdullaahi u dhacay imtixaanada afka Ingiriisiga ah; dhinaca fahamka afka, akhriska, qoraalka iyo hadalka intaba.
UK: Dhakhtar Soomaali Ah Oo Shaqada Looga Joojiyay Ingiriisida Oo Ku Adag
Hore ayaa Dr. Cabdillaahi loogu fasaxay in uu shaqada sii wato, dushana xaaladdiisa lagala soconayo laakiin shardiga lagu xidhay uu ahaa in uu afka barto kaddibna galo imtixaanka Afka Ingiriisiga ee caalamiga ah ee ‘IELTS’ loo yaqaanno, nasiibdarro se imtixaanadaas ayaa uu si isdaba joog ah ugu dhacay.
Ugu dambantii Dr. Cabdillaahi waxa uu hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan rukhsad siinta dhakhaatiirta ‘MPTS’ u diray email uu kaga codsanayo in loo ogolaado in in uu shaqadiisa dhakhtarnimo ee Ingiriiska sii wato, isaga oo ku adkaysanaya in luuqaddiisa ingiriisidu ay fiican tahay, laakiin 15 kii bishan jeenaweri ayaa ay hay’addu soo saartay go’aan ay dhakhtarkan kaga joojinayso shaqada gebi ahaanteedba kaddib markii Emailka uu u diray ee codsiga ahaa ay ku aragtay in uu ku qoran yahay afka Ingiriisiga oo aad u jajaban iyo qaladaad higaadda iyo naxwaha ah oo badan.
Dr. Cabdullaahi waxa uu email-kiisa ku sheegay in hadda uu joogo Soomaaliya oo uu gacan weyn ka geystay daweynta dadka Soomaalida ah ee uu ku dhacay COVID-19 ka, sidaas awgeed aanu waqtigan iman karin Ingiriiska sida ay ka dalbatay hay’adda rukhsaduhu.
Si kastaba ha ahaato ee hay’addu ma haysato aqoonta caafimaad ee Cabdullaahi, balse dhibtu waxa ay ka taagantahay cabsi laga qabo in Afka Ingiriisiga ee ku adag isaga oo Ingiriiska ka dhex shaqaysanayaa ay keeni karto is fahmi isaga iyo bukaanka ah oo qalad caafimaad horseeda.
Cabdullaahi sannadkii 2003 dii ayaa uu caafimaadka guud ku dhammaystay Soomaaliya kaddib sannadkii 2005 ayaa oo Talyaaniga ku soo qaatay takhasuskiisa.
Ururin / Turjumad: Kamaal Marjaan
Daily Mail

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...