Somaliland: Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Xisbiyada Somaliland Oo Jabay

Date:

Mooshin lagu dhimaayay wakhtiga ruqsada ay haysanayaan xisbiyada qaranka oo toban sano ahayd kaas oo loo gudbiyay fadhiga mudanayaasha golaha guurtida lana doonayay in lagu soo ururiyo muddo shan sano ah ayaa jabay kadib markii 11 xildhibaan oo saxeexay ay saddex dib uga noqdeen.

Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa golaha amray in mooshinka cusub laga hor akhriyo, waxaana intaas kadib mooshinkaas dib uga labatay saddex ka mid ah xildhibaanadii marka hore saxeexay, waxaana guddoomiyahu ugu danbayntii uu ku dhawaaqay In moshinkaasi uu jabay.

Guddoomiye Saleebaan oo jabitaanka mooshinkan ka hadlaayay wax uu yidhi “Raga ka baxay maxay markii hore u doobyayeen, saddex nin ayaa dib uga gurtay mooshinkii sidaas ayuu ku jabay, waxba kama jiraan weeye, taasina halkaas ayay ku dhamaatay.”

Xisbiyada mucaaradka ah ee dalka ayaa si midaysan uga qaliyay mooshinkan oo ay xukuumada ku eedeeyeen inay dabada ka riixayso.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...