Madaxweyne Muse Biixi ayaa Qaabiley Wefti Uu Hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Dalka Malawi

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Qaabiley Wefti Uu Hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Dalka Malawi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi, Mudane Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Malawi oo ah laba dal oo isku taariikh ah, oo ay ka wada tirsanaayeen maxmiyadii Ingiriiska oo labada dalba xukumi jirtay, madax-bannaanidoodana ay ka kala qaateen 26-June-1960 oo ay Somaliland ka heshay xornimadeeda Boqortooyadii Ingiriiska, halka Malawina ay ka heshay 06-July-1964kii. Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray sidii ay labada dawladood u samaysan lahaayeen xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka iyo isku tashiga dawladda iyo shacbigeedu ay halkan ku soo gaadheen, isagoo xusay in shacbiga Somaliland aanu Afrika iyo caalamka toona ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen oo ah aqoonsi buuxa, madaama ay buuxiyeen shuruudihii dawladnimo ee looga baahna.

 

Dhinaciisa,  wasiirka arrimaha dibedda ee Malawi waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha iyo sharafta leh ee dalka loogu soo dhaweeyey, waxaanu madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Malawi.

 

Kulankaa waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

 

Dhinaca weftigana waxa wasiirka ku wehelinaayey la-taliyaha madaxweynaha Malawi, Mr. Martin Tom iyo William Bambi oo ka tirsan waaxda arimaha dibada ee Afrika iyo Bariga Dhexe ee Malawi.

 

Ugu dambayn waxa ay weftigu muddada ay dalka ku sugan yihiin la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee dawladda, iyaga oo u kuurgelaya hannaanka ay Somaliland ku horumartay iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...