Somalia: Maasuuliyiinta Reer Somaliland Ee Ku Sugan Muqdisho Oo Markale Dagaal Afka Ah Warbaahinta Isu-Mariyey

Date:

Maasuuliyiinta Reer Somaliland Ee Ku Sugan Muqdisho Oo Markale Dagaal Afka Ah Warbaahinta Isu-Mariyey Waxa wali sii soconaya dagaalkii afka ahaa ee u dhaxeeyay siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda dhalasho ahaan ee ku sugan am aka xoogsada Maamulka Magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya waxaana ugu dambeeyey jawaab uu Guddoomiyaha Aqalka sare ee dawladda Xamar Cabdi Xaashi Cabdilaahi uu siiyay eedihii uga yimid ku xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) isaga oo dhaliilo u soo jeediyay xukuumadda Farmaajo. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa meel ka dhac ku tilmaamay hadal kasoo yeedhay ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, sidoo kalana wuxuu sheegay inuu wali ku adkeysanayo go’aankii uu ka gaadhay guddiyada ay dowladdu magacowday ee doorashada 2021. “Arintaasi waa gaf, isagaana ayey u gaar tahay.” ayuu Cabdi Xaashi u sheegay idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, sidoo kalana wuxuu taliyaha Nabad-sugidda Fahad Yaasiin ku eedeeyay inuu isaga doonayo inuu soo xulo xubnaha ka mid noonaya guddiyada codeynta. Waana arrinta layaab leh sida uu hadalka u dhigay. Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in ra’iisal wasaare ku xigeenku aanu shuqul ku lahayn hawlaha masiiriga ah ee xubnaha u matalaya Woqooyiga (Somaliland) doorashada waxaanu ku tilmaamay nin aan siyaasadda waxba ka garanayn oo kaliya ka yaqaana taageerada indho la’aanta ah ee uu u hayo Farmaajo sida uu u sheegay idaacadda KULMIYE ee Muqdisho. Mushkiladda u dhaxeysa dowladda dhexe iyo gudoomiyaha aqalka sare waxey tahay soo xulista guddiga doorashooyinka ee ka wakiilka ah Somaliland, wuxuuna sheegay iney doonayaan iney soo xulaan dadka halkaas kasoo jeeda, sidoo kalana ay guuldaro weyn ka imaan doonto hadii aan sidaas la sameyn. Waxaa laga cabsi qabaa in jadwalka doorashooyinka ay dib u dhacaan sabab la xidhiidha in la saluugsan yahay guddiyada doorashooyinka oo ay dowladdu magacowday oo la tuhmay iney ku jiraan xubno ka tirsan Nabad-sugidda, shaqaalaha Villa Somalia iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dowladda. Xubnaha Mucaaradka waxey si cad u diidan yahiin guddiyada doorashada ee ay dowladda magacowday, waxeyna aaminsan yahiin iney arintaas kasoo horjeedo heshiiskii wadar ahaanta loo gaaray ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxaa laga digay khalalaase ka dhaca wadankaasi Soomaaliya, sidaas darteed hay’ad caalami ah oo lagu magacaabo ICG ayaa ku baaqday in muddo korodhsi la sameeyo kooban si dhibaatada looga baaqsado, balse xubnaha mucaaradka ku ah Farmaajo wey ka biyo diideen arintaas waxaanay sheegeen inaanay aqbalayn. Lama oga sida ay xaaladdu ku biyo shuban doonto, balse waxaa aad looga digayaa dhibaato, waxeyna arintaani kusoo aadyesaa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kor u kac ah tan iyo markii ay ka burburtay xukuumadii Militariga horaantii sagaashamaadkii.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...