Djibouti: oo xadhig intenet soo marinaysa Berbera iyo su’aalaha la iska weydiinayo

Date:

Dalka Jabuuti ayaa soo dhawayn u sameeyay xadhiga badda hoosteeda mara ee Internet-ka  kaas oo loogu talo galay in ay Jabuuti gaadhsiiso dalalka qaarada Afrika, waxaana la sheegay inuu xadhigani mari doono Berber, iyadoon la ogayn in dawladda Somaliland ay sharciyad siisay xadhigan DARE lagu magacaabo, waxaana kulankan lagu soo dhawaynaayay xadhiga ka qaybgalay shirkado ka kala socday dalal kala duwan, Somaliland waxa ka socotay shirkada Somtel, Somaliya oo ay ka socotay shirkada Telcom iyo dalka Kiiniya oo ay ka socotay isagana shirkad isgaadhsiineed.

Xadhigan badda hoostiisa maraaya ee lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti waxa 89% iska leh dawlada Jabuuti, waxaana soo dhaweyntiisa ka qaybqaatay raysalwasaaraha dalkaas Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo wasiiro iyo masuuliyiin badan oo ka socday dawlada Jabuuti.

Agaasimaha Jabuuti Telecom Eng.Maxamed Casowe Buux  ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay xadhigan, waxaanu yidhi  “Maanta ahaan waxa maalgashaday xadhigan 89% Jabuuti ayaa leh laakiin Somtel ayaa nala gashatay, haddii shirkad kale ay tidhaahdo maanta waxaan doonaynaa inaan saami ka iibsado  oo ku taala Xamar,Hargeysa, Kiiniya ama Ruwanda waa uu u furan yahay.”

Wasiirka isgaadhsiinta qaabilsan Radwaan Cabdilaahi Bahdoon ayaa sheegay inay xadhigan  soo gaadhay Jabuuti ay Afrika oo dhan gaadhsiin doonaan  “ Farxad weyn ayay noo tahay xadhigan Deer oo aan maanta dhaqaajinayno oo Jabuuti soo gaadhay, waa fikradii madaxweynaha waana xadhigii Afrika isgaadhsiinta gaynaayay siday u dhan tahay waxa la marin doonaa Berbera,Boosaaso,Muqdisho,Mombaasa kadibna Tansaaniya xiliga danbena waa uu dhexgali doonaa Afrika insha allaha oo dhinaca Koongo ayuu u kici doonaa, maanta waa farxad weyn dhanka warisgaadhsiinta.”

Xukuumadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo sheegashada dawladda Djibouti ee ah inay xadhigan soo marin doonto Berbera ay ogtahay oo ay siisay ogolaansho, iyadoo shirkadda SOMCABLE oo uu leeyahay muwaadinka Maxamed Aw Siciid  ay xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo siisay keenista  xadhiga Viper Optic oo hadda dalka ka shaqeeya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...