Xaaladda Itoobiya Oo Bandoo lagu Soo Riday Gobolka Tigree

Date:

Golaha wasiirada dalka Ethiopia ayaa lix bil oo xaalad deg deg ah ku soo rogay gobalka tigreega ee waqooyiga Wadankaas.

Xafiiska ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in xaaladda gobalka ay la socon donaan oo ay maamuli doonaan koox uu hogaaminayo taliyaha ciidanka wadanka.

Arintan ayaa timi kadib markii xalay ra’isulwasaare Abiy Ahmed Ali uu amray ciidanka talaabo malatari oo ka dhan ah TPLF ciidanka tigreega.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay in TPLF ay weerareen saldhigyada ciidanka federaalka ee gobalka tigreega ayna isku dayeen in ay boobaan hubka culus ee ciidanka.

Waxaa hawada ka maqan qadka internetka iyo taleefanada gobalka tigreega gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Mekelle .

Ra’isulwasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in xumumada uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii tigreegu soo gudbeen qadkii casaa.

Tan iyo markii uu xafiiska yimi Abiy Ahmed sanadkii 2018 xiriirka tigreega iyo dowlada federaalka ma ahayn mid wanaagsan.

Xaalada ayaa xumaatay kadib markii Tigreegu ay qabsadeen doorasho u gaar ah taas oo golaha federaalka ee aqalka sare iyo xukumada federaalka ay sharci daro ku timmaameen.

5 October waxaa madaxda gobalka tigreega ay sheegeen in aanay dowalda federaalka sharciyan aqoonsaneyn maadaama xilkii ka dhamaaday oo aanay doorasho qaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...