Dahabshiil Oo Maalgalisay Tartanka 5km Oo Ay Ka Qayb Qaateen 50 dhallinyaro Oo 10 suxufiyiin Yihiin

Date:

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay tartanka Orodka oo 5Km ah kaas oo ay ka qayb qaateen 50 dhallinyaro ah. Dhallinyarada tartanka ka qayb gashay ayaa isugu jirtay 10 gabdhood, 30 wiil iyo 10 qof oo ka socday bahda saxaafadda Somaliland.
Munaasibadda tartanka loo qabtay oo abaalmarino lagu guddoonsiiyay lixda qof ee tartanka ku guulaystay oo isugu jiray saddex wiil iyo saddex gabdhood waxa goobjoog ahaa wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Boos Mire Maxamed, masuuliyiinta ciyaaraha fudud iyo madaxda shirkadda Dahabshiil.

Cabdiraxmaan Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah madaxda sare ee Dahabshiil Group ayaa sheegay in ay ujeedada tartankani tahay dhiiri gelinta dhallinyarada “ Aad baanu ugu faraxsanahay in aanu maalgalino tartanka oroddada ee Somaliland oo ay ka qayb qaateen 50 dhallinyaro ah oo ay ka soo baxeen saddex wiil oo kaalmaha 1-aad,2-aad iyo 3-aad kala galay iyo saddex gabdhood oo kaalmaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad kala galay. Waxa aanu ugu talo galay in aanu dhiiri gelino dhallinyarada oo ay shidaal ugu noqoto oo kuwa aan doorkan ka qayb galin marka dambe ku soo dhiiradaan, runtii aad baan ugu hambalyaynaya guulaysteyaasha,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cali Xaaji.

Suxufi Khaalid Foodhaadhi oo ka mid ahaa suxufiyiinta tartankan ka qayb galay ayaa isna tilmaamay ahmiyadda tartankan shirkadda Dahabshiil maalgalisay “Runtii wuxuu ahaa orod ay warbaahintuna qayb ka ahayd, waxaanu ahaan jiray suxufiyiin soo tebiya ciyaaraha sida kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium ka socota laakiin, tartankan waanu ka qayb gallay oo orodyahanno ayaanu ahayn waxaanu runtii ahaa dhiiri gelin anaguna waxa aanu dhiiri gelinayna ciyaaraha noocan ah,” ayuu yidhi Suxufi Khaalif Foodhaadhi.
Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Mudane Boos Mire Maxamed ayaa isna shirkadda Dahabshiil Group ku ammaanay maalgelinta tartanka si weyna ugu mahadceliyay shirkadda iyo dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay tartankan “Bahda saxaafadda oo tartanka ka qayb ahayd waanu ugu celcelinayna tartannada noocan ah si ay hadalka u yareeyaan jihadii fiicnaydna way u dhaqaaqeen,” ayuu yidhi wasiirku.
Ugu dambeyna waxa halkaasi lagu guddoonsiiyay abaalmarino guulaysteyaasha tartankan 5Km ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...