Madaxweyne Biixi & Amb James Swan Oo Telefoon Ku Wada hadlay

Date:

Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga Qaramada Midoobay Danjire James Swan ayaa la sheegay inay Isniintii Shalay Telefoonka ku wada-hadleen.

Ma Jiro War Rasmiya oo ay labada dhinac ka soo saareen Wada-hadalkooda, laakiin Ilo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika in Madaxweyne Biixi iyo Danjire James Swan ay Shalay Telefoon kaga wada-hadleen Xurgufta soo dhex gashay Somaliland iyo Qaramada Midoobay, taasi oo gaadhay in Madaxweyne Biixi uu goob fagaare ah uu eedaymo ugu jeediyo Qaramada Midoobay.

Wada-hadalka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ergayga Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu yimid, ka dib markii Danjire James Swan uu maalmihii u dambeeyay Somaliland ka codsanayey inay Madaxweyne Biixi Telefoonka ku wada-hadlaan, waxaana la filayaa inay Madaxweynaha iyo Ergaygu Telefoonka kaga wada sheekaysteen is-marin-waaga iyo sida xal looga gaadhi karo.

Wargeyska Geeska Afrika oo la xidhiidhay Xafiiska Warbaahinta ee Danjire James Swan si uu wax uga waydiiyo Wada-hadalkan ayaanay u suurto-gelin inuu wax jawaab ah ka helo.

Sidoo kale, Wargeyska Geeska Afrika wuxuu isku dayey inuu la xidhiidho Xukuumadda Somaliland, si uu arrintan wax uga waydiiyo, laakiin uma suurto-gelin inuu ka helo wax jawaab ah.

Ugu dambayn, Xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay ayaa Xurguf soo kala dhex gashay, ka dib markii sida Xukuumadda Somaliland ku doodayso ay Qaramada Midoobay isku dayday inay gudaha Somaliland ka fuliso Qorshaha horumarinta Soomaaliya ee 5-ta sano ee soo socda, taasi oo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka biyo-diiday isla-markaana soo saartay Amar ay ku joojinayso shaqooyinkii Hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen gudaha dalka, arrintaas ayaana ah ta sida la sheegay ay wada-hadleen Madaxweynaha iyo Danjiraha Qaramada Midoobay.
Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...