Somaliland: Xukuumadda Oo Shirarka Siyaasadda Ka Mamnuucday Huteellada Burco Wakhti Loo Diyaar Garoobayo Shir Weynihii Kulmiye Oo Rag Badani Ka Biyo Diidsan Yihiin

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo in wax shirar ah oo siyaasad ku saabsan, oo aan isaga ogolaanshiyo looga soo qaadan, lagu qabto gabi ahaan huteeladda Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Amarkan oo qoraal ah ayaa waxa uu Shalay kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Togdheer, waxaana dhamaan Mulkiilayaasha iyo Wakiiladda Huteelada Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka ka Togdheer lagu amray inaan huteeladooda lagu qaban karin wax shirar siyaasadeed ah, kuwaasi oo cid lagu taageerayo ama lagu dhaliilayo, waxaana  loo malaynayaa in Amarkani daba socdo shirar Siyaasadeedyo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Magaalada Burco kuwaasi oo ay qabsanayeen taageerayaasha Siyaasiyiin saluugsan Shirweynaha 4-Aad ee Xisbiga Kulmiye oo bishan soo socota bilawgeedda ka qabsoomaya Hargeysa.

Qoraalkan ayaa waxa lagu yidhi “Sida aad la socotaan, iyadoon wali la gaadhin wakhti Kaambayn iyo olole doorasho midna, taasi oo ay ka dhalan karto khal khal samayn ku yeesha Hantidiina iyo nabadgalyada intaba, sidaa darteed waxa ala idin farayaa inaan lagu qaban Karin wax shirar siyaasadeed ah oo aan looga fasax qaadan Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Togdheer, huteeladiina, taasi oo cidii u hogaasami wayda amarkan laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan”.

Sikastaba ha noqotee, waxa si weyn isha loogu hayaa halka uu sal dhigto dhaq dhaqaaqyo xoogleh oo ay Gobolada Iyo Caasimaddaba ka wadaan siyaasiyiin han lahaa, islamarkaana Hunguri kaga jiray Hogaaminta Kulmiye kuwaasi oo ka biyo diiday hanaanka loo maamulay shirka iyo sida wax loo wado, waxaanay isku dayaan inay muujiyaan cududda taageero ee ay ku dhex leeyihiin Kulmiye iyagoo dhinaca kalena ku mashquulsan go’aanka ay ka qaadanayaan maadaama oo soo jeedimahoodii loo joojin waayay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...