Somaliland: Xukuumadda Oo Ku Fashilantay Inay Ka Dhabayso Balan-Qaadkeedii Ahaa In War-Baahinta Dowladdu Si Siman Ugu Addeegto Bulshada, Muxaafid Iyo Mucaarad

Date:

Iyadoo ay Xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda War-faafintu ay bishan September 19-keedii soo saartay war-murtiyeed, kaas oo lagu sheegay in war-baahinta Dowladu ay si siman ay u baahin doonto wararka Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo qaybaha kale ee bulshada .

Wasiir ku-xigaanka Wasaaradda War-faafinta Cabdinaasir Cumar Jaamac,ayaa isagu sidaas ku sheegay wareegto uu tobban cisho ka hor soo saaray,taas oo uu ku faray masuuliyiinta Hay’addaha Warbaahinta Qaranka inay si siman oo dhexdhexaad ah u baahiyaan barnaamijyada iyo wararka sida maalin laha ah uga dhaca dalka,kuwaas oo ay ku jiraan wararka Xisbiyada Mucaaradka ahi

Dhanka kalene labada Xisbi Mucaarad oo war-baahinta si gaar gaar ah ula hadlay ayaa soo dhaweeyey go’aankaas ka soo baxay Xukuumadda ee uu nuxurkiisu ahaa inay si siman oo dhex-dhaxaad ah ay war-baahinta Qaranku u baahin doonto wararka dalka ka dhaca,waxaanay Xisbiyadu xuseen inay marka hore ay xaq u lahayeen in wararkooda laga baahiyo war-baahinta Qaranka, balse waxay hoosta ka xariiqeen inay dhawrayaan siday ay Xukuumaddu ay u fuliso go’aankaas.

Geesta Kalene iyadoo hadda laga jooga muddo tobban cisho ah wakhtigii ay Xukuumaddu go’aankaas amarka watay ay soo saartay ayaa haddana waxa muuqata in aanu weli hirgelin go’aankaas, marka aad dheehado wararka habeen iyo maalin ka baxa Radhyow Hargeysa Telefishanka Qaranka iyo Wargeyska Dawan,waxaad arrkaysaa inay weli ay si middaysan ay u haystaan jidkoodii horre ee looga bartay,isla markaana ay wararkoodu yihiin qaar hal dhinac ah oo aan dhex-dhaxaad ahayn.

Waxa kale oo xusid in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Iyo Hoggaamiyaha WADDANI  ay  muddadaas wixii ka dambeeyey ay Xaflad Qalinjebineed iyo Munaasabado kale ay si gaar gaar ah uga qayb-galeen, iyagoo halkaas ka jeediyey haddalo kale duwan  isla markaana ay goob-joog ka ahayd warbaahinta Dowlada,balse nasiib daaro may baahin sidii looga bartay wararka Masuuliyaantaas Mucaaradka ,waxaanay keliya ay soo qateen oo ay baahiyeen haddaladii masuuliyiintii Dowlada ka socday ee ka qayb-galay munaasabadaas.

Si kastaba ha-ahaatee Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda ka dhabbayn go’aankaas ay so saartay 19-kii bishan 9/2020 ee ay ku sheegtay inay war-baahinta Qaranku ay baahinayso wararka Xisbiyada Mucaaradka iyo wararka kale ee sida maalin laha ah dalka uga dhaca, waxaana xusid muddan in aanay Telefishanka Qaranka ,Radhyow Hargeysa Iyo Wargeyska Dawan aanay weli fulin amarkaas, waxaanay ilaa hadda u shaqaynayaan qaabkii hore ee looga bartay iyo baahintoodii dhinaca keliya ahayd.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...