Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Somaliland Oo Ay Ka Saareen Kootadii Haweenka Iyo Beelaha La Hayb-sooco.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Somaliland balse waxa ay xeerka ka saareen Qoondadii (kootadii)Haweenka iyo Beelaha la hayb-sooco.

Sidoo kale waxa ay diideen qodobka Xildhibaanada Isxanbaarka oo qaar ka mid ah deegaamada bariga Somaliland xildhibaano kaga soo bixi jireen.

Wakiillada ayaa Qodob qodob u ansixiyay Xeerka Doorashooyinka.

Comments

comments