Somalilamd: Madaxweyne Biixi Isu Diiwaangeliyey Kaadhka Ka qaybgalka Shirweynaha Xisbiga KULMIYE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga KULMIYE u tegay is-diiwaangelinta qaadashada kaadhka ka qaybgalka shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE oo horraanta bisha tobnaad ee soo socota qorshaysan.

Madaxweynaha, ayaa maray nidaamka loo qorsheeyey in la mariyo cidkasta oo ka qaybgelaysa shirweynaha xisbiga, waxana halkaas kusoo dhaweeyey xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad oo hawlahoodii shaqo ku dhex jira, iyada oo xubno kale oo isugu jira hoggaanka xisbiga iyo golaha wasiirraduna oo ay kamid yihiin guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere, wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Agaasimaha guud ee madaxtooyada Mudane Maxamed Cali Bile ay isla maanta mareen nidaamka ay ku helayaan kaadhka ka qaybgalka shirweynaha.

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa ayey qaban-qaabadiisu meel fiican maraysaa, waxana gebogebo ku dhaw is diiwaangelinta ergooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka ka imanaya ee shirweynaha qaybta ka noqonaya.