Somaliland: Dedaallo La Doonayay In La Isugu Soo Dhaweeyo Madaxweyne Ku-xigeenka Iyo Wasiir Saajin Oo Guul-darraystay

Date:

Waxa lagu guul-daraystay in la isku soo dhaweeyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo doonaya inay ku tartamaan kursiga Afraad ee Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu dhowr iyo tobankii sanadood ee u dambeeyay uu ku fadhiyey Madaxweyne ku-xigeenku.

Toddobaadyadii u dambeeyay oo dhan waxa socday dedaallo lagu doonayey in lagu dhexdhexaadiyo labadan Masuul, laakiin dedaalladaasi waxay noqdeen Hal Bacaad lagu lisay.

Madaxweyne ku-xigeenka Md. Saylici iyo Wasiir Saajin oo tan iyo markii uu loolankoodu bilaabmay aan yeelan kulan toos ah ayaa si weyn u sii kala fogaaday, waxaana loolankooda laga dareemayaa magaalooyinka Hargeysa iyo Borama.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo xaqiijiyey inaan guul laga gaadhin dedaallo lagu dhexdhexaadinayey oo ay ka qayb-qaateen Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Madax-dhaqameed ka soo kala jeeda Somaliland oo dhan, taasi oo ka dhigan ina Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay ku tartami doonaan Kursiga Afraad ee Hoggaanka Xisbul-xaakimka Kulmiye.

Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa ku beegan 4-ta bisha soo socota ee October, 2020.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...