Deg Deg: Masuuliyiin ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Imika Xabsiga La Dhigay Iyo Cida Ka Danbeysa Balse Waa Imisa Masuul?

Date:

Subaxnimadkii hore ee Saaka ayaa Saldhiga Dhexe ee Burco loo taxaabay Sedex Masuul oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Masuuliyiintan ayaa kala ah Xasan Sh: Ibraahim (X:Tuulo) Gudoomiyihii Abaabulka iyo Wacyigelinta Xisbiga Waddani ee Gobolka Saaxil ,Ayaanle Suldaan Maxamed Maxamuud (Indhocase ) Gudoomiyaha abaabulka Xisbiga Waddani ee Degmadda Sheikh iyo Masuul kale oo magaciisu yahay Cali Cismaan (Cali Guray).
Saraakiishan oo sida la xaqiijiyay Magaaladda Burco ka waday Xaflado beelaha gobolka Saaxiil ku xoojinayaan taageeradda ay u hayaan Xisbiga Waddani , ayaa waxa xadhigooda wada jir u fuliyay Wasiir Ku Xigeenka Amniga Cali Dhagoole iyo Gudoomiye Ramaax.
Ilaa iyo hada ma jirto sabab cadaynaysa xadhiga masuuliyiintaasi ,waxa uu daaranyahay ,haseyeeshee waxa la sheegay in ay Xukuumadda Kulmiye Sas ka qaaday Xafladdan Xisbiga Waddani qabsanaayay ee beelaha saaxil .
Geesta kale Xadhigan ayaa waxa si weyn u cambaareeyay oo sharci-daro ku tilmaamay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ,Maxamed Faarax Qabile iyo Musharax Ismaaciil Cali Cabdi (Kashiito) ,kuwaasi oo ku sugan Magaaladda Burco.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...