Xidigaha Ree France Ee Paul Pogba & Anthony Martial Oo Man United Guul Soo Laabaso Ah Ku Hogaamiyay, Middlesbrough Oo Red Devils Xaalada Ku Xumaysay Iyo Kooxda Mourinho Oo Isbadbaadisay.

Manchester United ayaa daqiiqado kooban xili ciyaareedkeeda ku badbaadsatay kadib markii Middlesbourgh ay xaalada ku xumaysay isla markaana ay ay gool kaga hormartay Manchester United.  Anthony Martial ayaa xili danbe soo celiyay rajada Red Devils balse isla xidiga kale ee ree France ee Paul Pogba ayaa daqiiqad kadib natiijada ciyaarta dhiga kale u dhigay kadib markii uu Red devils u dhaliyay goolka guusha.

Manchester United ayaa shan daqiiqo iyada oo ay ciyaartu ka hadhsan tahay guuldaro ku taagnayd balse laba daqiiqo oo kaliya ayay waxkastaaba isku badaleen si ay guushoodii shanaad oo xidhiidh ah ay uga gaadhaan kooxda Boro oo wadno xanuun ku dishay Mourinho.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER UNITED (4-3-3): De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Blind; Herrera, fellaini, Pogba; Martial, Ibrahimovic, Mkhitaryan.

Kaydka:Jones, Rojo, Mata, Lingard, Rashford, Romero, Schweinsteiger.

MIDDLESBROUGH (4-5-1): Valdes; Chambers, Espinosa, Gibson, Friend; Traore, Forshaw, Leadbitter, De Roon, Downing; Negredo.

Kaydka:Fabio, Ayala, Clayton, Rhodes, Guzan, Stuani, Ramirez.

Manchester United ayaa qaab ciyaareed fiican ku bilaabtay waxayna ahayd kooxda laga filan karay goolka furitaanka iyada oo fursado fiican xili horeba abuurtay. Middlesbrough ayaa ku bilaabtay difaacasho fiican waxayna si joogto ah iskaga ilaanaysay weerarka iyo fursad abuurista Red Devils.

DAQIIQADII 14 AAD BIRTA GOOLKA! Man United ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolkeeda kadib markii uu Pual Pogba kubbad laba lugoodley ah uu isku dayay in uu goolkan ku dhaliyo balse darbada xidiga ree France ayaa birta goolka ku dhacday waxaana kubbadan door ku lahaa Mkhitaryan iyo Martial.

Manchester United ayaa sii waday dadaalka ay ku doonaysay in ay ku jabiso difaaca Middlesbrough waxana helaysay fursado badan laakiin qaab difaaca Boro ayaa ahaa mid aad u fiican isla markaana ay xaalada ugu adkaynaysay kooxda Mourinho ee Red devils.

DAQIIQADII 38 AAD BIRTA GOOLKa!!!. Markale Manchester United ayaan nasiib ku yeelan in ay shabaqa soo taabto laakiin waxay ugu dhawaatay helitaanka goolka ay raadinaysay waxaana markan birta goolka Boro garaacay Martial kaas oo goolka ka soo toogtay meel 35 yards u jirtay balse birta goolka ayaa markale Boro badbaadisay.

DAQIIQADII 39 AAD GOOOOOOOO…? Maya ma noqon gool sharci ah laakiin Ibrahmovic ayaa u muuqday in uu Red Devils u keenay goolka furitaanka kadib markii uu dhamaystiray kubbada uu ka helay Martial laakiin garsooraha ayaa goolkan u diiday in Ibrahimovic uu kabihiisa sare  taagay balse muuqaalada danbe ayaa muujinayay in qalad yar uu sameeyay xidiga ree Sweden.

Si kastaba ha ahaatee qaybtii h–e ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah balse Manchester United ay ahayd kooxda dadaalka ugu badan samaysay inkasta oo ay awoodi waayeen in ay ka faa’iideeyaan fursadihii ay heleen waxaana ugu halis badnaa fursadaha birta lagu garaacay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markale Manchester United bilawday in ay sii wado raadinta goolka dhibaatada ku noqday ee ay qaybtii h–e ku fashilantay balse sidoo kale Middlesbrough ayaa soo laabtay iyada oo kalsooni heshay isla markaana doonaysay in ay xaalada ku sii xumayso Red Devils.

DAQIIQADII 67 AAD GOOOOOOOOOL! Kooxda Middlesbrough oo looga cabsanayay in goolka furitaanka laga dhalin doono ayaa Manchester United kaga yaabsatay goolka furitaanka kulankan waxaana Red Devils xaalada ku sii xumeeyay Grant Leadbitter kaas oo caawin ka helay Álvaro Negredo waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Boro ku heshay goolka furitaanka ee ay Man United awoodi wayday.

DAQIIQADII 78 AAD QAYLO REKOODHE!  Rashford ayaa si fiican u garaacay Bernardo laakiin dood ay Manchester United ku doonaysay rekoodhe ayuu garsoore Mason uu ka soo qaaday waxaan jirin waxayna Man United sii waday dadaalkeeda goolka barbaraha.

DAQIIQADII 85 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Manchester United ayaa heshay goolkeeda barbaraha ee soo daahay waxaana neefta ka soo gooyay jamaahiirta martida loo ahaa  Anthony Martial kaas oo gool caawin ka helay  Zlatan Ibrahimović waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

DAQIIQADII 86 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!. Manchester United ayaa sida ugu deg dega badan natiijada ciyaarta dhinaca kale ugu dhibtay waxaana markan saamayntiisa la soo baxay Pual Pogba kaas isla markiiba goolka ay guusha ku gaadhay Red Devils ugu dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Juan Mata wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Man United ku garaacday Boro.

Comments

comments