Shirkadda DP-world ayaa lacag $15 malyan ah siisay Puntland, taasoo ahayd lacag loogu magac daray xaqul qalin islamarkaana aan ku jirin heshiiska guud ee dekeda lagu maalgalinayo.
“Hal dollar igama soo gelin heshiishka dekedda Boosaaso, $15 malyan oo Puntland saxiixa loo siiyey waxaan ku dhisay garoomo, madaxtooyooyin iyo waddooyin”.
Cabdweli Gaas iyo xukuumadiisii hore ayaa lagu tilmaamaa inay sameysay musuq maasuqii ugu xumaa ee soo mara Puntland, waxaana meelaha aad farta loogu fiiqay kamid ah heshiiska dekeda Bosaso iyo mashruuca wadada Garowe iyo Galkacyo.
Labadan mashruuc ayaa weli ah kuwo aan la mahdin, waxaana saameyntii ka dhalatay ay culays ku keentay shacabka Puntland.
Balse, dhinaca kale marka leego waxay xukuumadaas hirgalisay dhameystirka mashaariic ay kamid ahaayeen garoomada diyaaradaha Garowe iyo Bosaso iyo hindisaha mashruuca iskutashiga dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.