Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo barlamaanka u ballanqaaday inuu kusoo celindoono heshiis kasta uu la galo dowlad goboleedyada

Date:

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka hor jeedinayay barlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay heshiis kasta oo uu lasoo galo maamul goboleedyada inuu kusoo celindoono barlamaanka dhexdiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa aad ugu celceliyay in barlamaanka Soomaaliya uu yahay aas aaska dowladnimada.

“Waxaan idiin caddeynayaa heshiis kasta oo aan la gaarno madaxda dowlad goboleedyada, anigoo xushmaynaya inaad tihiin wakiilada shacabka Soomaaliyeed, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan dib idin kugusoo celindoono si aad kaalintiina ugu yeelataan,” ayuu yidhi madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay  in Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyaduba ay mar walba wada hadlaan, wada tashadaan, is qanciyaan, lana yimaaddaan qorsheyaal iyo go’aano.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Baarlamaanka 10-aad ee dalka shaqada ay qabteen muddadii uu socday Kalfadhiga 7-aad iyo hawlaha ay suurta galiyeen oo ay ugu horreeyaan Shuruucda hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya sida Sharciga Doorashooyinka dalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...