Somalia: Dowladda Ingriiska “Soomaalida oo keliya ayaa iska leh go’aanka doorashooyinka dalkooda”

Date:

Danjiraha dalka Ingriiska u fadhiya Muqdisho Ben Fender ayaa sheegay in la joogo xilligii Soomaalida ay go’aamin lahaayeen hoggaanka ay doonayaan, marka laga hadlayo nooca iyo qaabka ay noqon doonto doorashada soo socotana.

Hadalkaan ayaa waxa uu jeediyay markii uu ka soo laabtay dalkiisa.

‘Waxaan xushmeyneynaa madax-bannaanida Soomaaliya, cidda hoggaamineysa iyo ka shaqeynta doorashadaba waxaa go’aankeeda leh Soomaalida oo keliya” ayuu Fender ku yiri muuqaal laba daqiiqo ah uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka Arbacadii lasoo dhaafay.

Dhowr bilood ayaa ka haray doorashooyinka dalka , gaar ahaan  Baarlamanka iyo tan madaxweynaha oo la qorsheynayo in la qabto 8-da, bisha February, sanadka 2021-ka. Hase-ahaatee xisbiyada mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa dowladda ku qasbaya iney la qaadato nooc doorasho, si looga fogaado muddo kororsi.

Guddiga doorashada ayaa horay u codsaday 70 milyan oo dollar, si loo qabto doorasho dadweyne, taas oo ka bedalan tii dhacday dhammaadkii 2016-kii iyo billowgii 2017-dii, oo la aaminsanyahay in musuq maasuq badan uu hareeyay.

Danjiraha dalka Ingriiska ee Soomaaliya Fender ayaa waxa uu sheegay iney kusoo noq-noqdeen su’aalaha la xiriira halka dowladdiisa ay ka taagantahay doorashooyinka Soomaaliya, hase-ahaatee ay jawaabtu tahay in go’aanku ay Soomaalidu leeyihiin.

Dhinaca kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida, iney ka dhabeeyaan fulinta ballamihii shirkii ka dhacay Dhuusamareeb.

Hadalka safiirka UK ee Soomaaliya ayaa yimid xilli si weyn indhaha loogu hayay aragtida beesha caalamka ee xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli dalka uu hadda galay marxalad kala guur ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...