Chelsea vs. Norwich – Blues Oo Kaalinta Saddexaad Adkaysanaysa, Shaxda Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

Date:

Chelsea oo khatar weyn ku gashay inay ku dhacdo kaalinta shanaad, nasiibkuna la baxsaday oo laga qabtay labadii kooxood ee ka sare mari lahaa ee Leicester City iyo Manchester United ayaa maanta garoonkeeda Stamford Bridge ku martigelinaysa Norwich City oo toddobaadkan loo xaqiijiyey inay u degtay heerka labaad.

Kooxda tababare Frank Lampard oo guul-darro xanuun badan oo 3-0 ah kala soo kulantay Sheffield United oo ay Sabtidii u tagtay, waxay raadin doonaan inay kusoo laabtaan dariiqa guusha si ay iskugu ballaadhiyaan booska saddexaad oo ay afar dhibcood uga sare mareen Leicester iyo Man United oo kulamadooda ciyaari doona Arbacada iyo Khamiista, waxaana labada kulan ee xiga ee ka  hadhsan horyaalka Premier League ay halgan u geli doonaan sidii aanay wax dhibco ah u lumin lahayn.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey Chelsea waxa laga badiyey laba jeer oo ahaa Sheffield United iyo West Ham United, laakiin waxay badiyeen afarta kale iyagoo 18 dhibcood oo suurtogal ahaa kasoo helay 12 dhibcood.

Laakiin Norwich City ayaa ahayd koox loosoo shaqo tago oo dhibcaha laga qaato lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo dhamaantood laga badiyey, waana sababta ay heerka labaad ugu degtay iyadoo rajo la’aan ah.

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Chelsea vs Norwich

Tartanka: Premier League, kulmada 36aad

Waqtiga: 10:15pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Chelsea waxa ka maqan xiddigaha khadka dhexe ee Billy Gilmour oo jilibka dhaawac kasoo gaadhay, muddo afar bilood ahna garoomada ka maqnaan doona, N’Golo Kante oo la filayo inuu Axadda taam u noqdo semi-finalka FA Cup iyo Fikayo Tomiro oo u dhow inuu soo laabto.

Tababare Lampard ayaa la filayaa inuu isbeddel ku sameeyo shaxdii uu kula ciyaaray Sheffield United, waxaana inay kusoo bilowdaan sugaya Antonio Rudiger, Marcos Alonso iyo Olivier Giroud.

Mateo Kovasic oo kasoo laabtay dhaawac, kaydkana fadhiyey ciyaartii Blades ay khasaaraha kala soo kulmeen, waxa ugu yaraan laga siin doonaa waqti kulanka maanta, inkasta oo ay suurtogal tahay in lagu soo bilaabo.

Dhinaca Norwich, waxa ka maqan Grant Hanley, Christoph Zimmermann, Maritz Leitner iyo Sam Byram oo dhaawac ah.

Shaxda macquulka ah ee  labada kooxood

Chelsea: Kepa; James, Christensen, Rudiger, Azpilicueta; Mount, Kovacic, Barkley; Pulisic, Giroud, Willian

Norwich: Krul; Aarons, Godfrey, Klose, Lewis; McLean, Tettey; Hernandez, Cantwell, Buendia; Pukki

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...