Somaliland: Siyaasi Daamur Oo Xukuumadda U Diray Baaq Ka Dhan Ah Dawladda Somaliya

Date:

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay qorshe cad ka yeelato dagaal iyo dacayaado uu sheegay inay Dawladda Somaliya ku wado Somaliland.
Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur),oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay labada xubnood ee Xisbiyada mucaaradka ah ee shalay Golaha Wakiiladu diideen iyo aragtidiisa ku wajaahan waxaa keenay diidmada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dawladda Somaliya marnaba raali kama ah qaranimada Somaliland, inagoo kala madax banaan oo kala ah labada dal oo kala duwan, haddana sinaba raali uguma ah jiritaankeena, waxaana caddayn u ah siday ula wareegtay maamulkii hawadeena, iyo hadalada cadaawada ku saleeysan ee mar walba ka soo yeedhaya, sidaas oo ay tahay dagaal, weerar iyo dayaacado ayaa inagaga socda villa Somaliya, ee Xukuumaddu waa inay qorshe cad oo ay kaga hor tagto sameeysa, waxay Dawladda Somaliya bilawday mar kale kaalay oo ila muran, kumana jirayno mar walba inaynu la murano, ee dadka ay sida gaarka ah ugu sameeystay dacaayadaha ka dhanka ah qaranimadeena iyo sida joogta ah ee baraha bulshada loogu baahinayo cadawada fog ee ay Somaliya inoo haysto waa inaynu la nimaadna qorshe iyo siyaasad aynu kaga hor tagayno, oo waa inaynu ka war haynaa mar walba cadawada ay Somaliya inoo hayso mar walba heerka ay marayso, Xukuumadda taladda dalka haysa maaha inay ka aamusto cadawada dhanka kasta leh ee inagaga socda Villa Somaliya”.

Mar uu ka hadlaayey labada xubnood ee Komishanka ee Xisbiyada mucaaradka dib loogu soo celiyey, ee Golaha Wakiiladu codka u qaadeen ayaa yidhi “Anigu cid gaar ah eedda ma saarayo, Golaha Wakiiladuna hawshiisi ayuu gutay, ee waxay ahayd markii hore in Xisbiyadu ka sii hawl-galaan, oo olole arintan ka sii galaan, maxaa yeelay Xildhibaanada ka aamusay labada xubnood ayaa badnaa, sidaas darteed waxay ahayd in Xisbiyada Mucaaradku dadaal ka galaan, ta kale sannadkan doorasho dhici mayso, laakiin baaqayagu wuxuu yahay oo aan soo jeedinayaa Doorashadu yaanay inagu dhaafin 2021, maxaa yeelay Doorashadeena o dhacda 2021, wax badan bay inaga caawinaysa”.

Dhanka kale Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), ayaa soo jeediyey in aad looga digtoonada xanuunka Coronavirus, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay aad u feejignadaan oo aad isku ilaaliyaan, nadaafadana si gaar ah u ilaaliyaan, waxaanu Guddida ka hor taga Coronavirus Somaliland ugu baaqay inay wacyigelinta sii balaadhiyaan, oo si joogto ah umadda u wacyigelinayaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...