Somaliland: Guddoomiyaha UCID Oo Ku Baaqay In Gacmaha La Isku Qabsado Ka Hor-tagga Coronavirus

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku taliyey in Feejignaan dheeraad laga yeesho Cudurka Coronavirus oo xilligan dunida aad ugu faafaya.

Faysal wuxuu xukuumadda u soo jeediyey inay xidho Xuduudaha dalka ee Cirka iyo dhulkaba, isagoo si gaar ah Carrabka ugu dhuftay in la joojiyo duulimaadyada ka yimaadda dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa isagoo ugu horrayn ka hadlaya cudurka  wuxuu yidhi  “Waa Cudur xun oo aad mooddo in Yoomal qiyaamihii ifka la inoogu keenay (Corona), Waayo? waxa la yidhi Maalinta Qiyaamaha Waad kala cararri doontaan oo Ilmahaaga ayaad ka cararri doontaa, tiibaana dhacday oo waa wax haku qaataan Bani-aadamku.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha UCID, waxaanu intaa ku daray “Caafimaadku waa meelaha aynu ugu liidano, waa Hay’adaha aan korin 30-kaa sanadood baylahda ah, sidaasi darteed inagood ogtihiin inaynu xanuunada fudud u tagno Itoobiya, way adag tahay sidaynu ula dagaalano Cudurkana, Ilaahay oo innaga qabta mooyaane, laakiin waa inaynu dedaal keenaa.”

Faysal waxa kale oo uu sheegay “Aafooyinka inagaga imanaya Itoobiya, haddii kana inoogu darsamo khatar baynu ku jirnaa, Itoobiya waxa inooga yimaadda Qaadka, waxa ka yimaadda Xashiishadda oo cudur cusub ah oo Carruurteenii baa’biiyey, waxa inagaga yimaadda khamriga oo isaguna ah Aafo kale..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Dawladda waxaanu leenahay, maaddaama oo Xanuunkan la sheegay inuu 14 Maalmood ka bacdi soo if-baxayo, duulimaadyadii Itoobiyana ay inoo furan tahay oo meel kasta ka keenaysa, laba Arrimood waa in la qaadaa, Ciddii ka timaadda dhulkaa lagu sheegay (Xanuunka) in la karantiimeeyo sida Adduunka kale yeelay amba waa in duulimaadyada la joojiyaa, haddaynu duulimaadyada joojino, Ciyaalka Xamar joogaa may joojin ee Coronavirus baa joojiyey, markaa Ficilku yaanu inna soo qaadin oo aanay inoo soo xambaarin cudur.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu shacabka u soo jeediyey in la dabaqo Talooyinka Caafimaadka “Arrintani waa Aafo Qaran, waxaan jecelahay in Mucaarad, Muxaafid, Baayac-mushtari, Wadaad, Ururrada Bulshada Raydidka ah ay dhamaanteen Gacmaha is qabsano oo wixii kale oo dhan hareerta iska dhignaa.”

Ugu dambayn, Guddoomiyaha UCID wuxuu soo dhaweeyay in Madaxweynuhu uu isugu yeedhay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, si ay u ansixiyaan Xubnaha Xisbiyada WADDANI iyo UCID u soo magacaabeen Komiishanka cusub ee doorashooyinka.

Comments

comments