Cristiano Ronaldo Oo Tababarkii Juventus Ee Shalay Uga Maqnaaday Xanuunka Coronavirus Iyo Juventus Oo War-Saxaafadeed Kasoo Saartay

Date:

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa tababarkii Arbacadii ee kooxdiisa Juventus ku seegay cabsida xanuunka Coronavirus, waxaanu gebi ahaanba ka maqnaa waddanka Talyaaniga oo uu isaga baxay.

Ronaldo ayaa horraantii usbuucan ku laabtay Jasiiradda Madeira si uu waqti ula qaato hooyadii oo bishan bilowgeedii uu kusoo booday wadne-xanuun, waxaanu ka baaqsaday inuu kusoo laabto Talyaaniga oo ay saaran tahay xayiraad dhninaca socdaalka ah oo loo geliyey xanuunka sida ba’an ugu faafay ee Coronavirus.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisay xanuunkan ay u aqoonsatay Musiibo Caalami ah, waxaana Talyaaniga uu haleelay in ka badan 10,000 qof iyadoo ay u dhinteen ku dhowaad 400 qof.

Juventus ayaan hubin xilliga ay dib u heli doonto laacibkeedan ee uu ku laaban doono dalkaas, waxaanay sheegtay in waqti aan la cayimin uu sii joogi doono waddankiisa Portugal maadaama ay xaalad caafimaad ka taagan tahay Talyaaniga.

“Cristiano Ronaldo ma tababaranin Arbacadii, waxaanu ku sugan yahay Madeira oo uu kusii negaan doono inta horumar laga samaynayo xaaladda caafimaad ee degdegga ah ee taagan.” Ayay Juventus ku tidhi war-saxaafadeed ay soo saartay.

Tiro kooxaha heerka koowaad ee Talyaaniga ah ayaa joojiyey tababarkoodii toddobaadkan laakiin kooxda Talyaaniga ah ee Juventus oo lugta labaad ee tartanka Champions League Salaasada soo socota ku martigelin doonta magaalada Turin, hase yeeshee shaki ayaa ku jira in ciyaartaasi dhici doonto iyo in kale.

Dhinaca kale, Juventus ayaa xaqiijisay in difaaceeda Rugani laga helay xanuunkan, waxaana qoraal ay soo saartay ay ku sheegtay in laacibkan laga helay xanuunka, laakiin aanay wali astaamihiisu soo wada bixin.

Arrintan ayaa waxay kordhinaysaa walaaca kooxdaas haysta, iyadoo uu laacibka hadda laga helay la noolaa ciyaaryahannada kale ee naadiga oo ay galaangal sameeyeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...