Siyaasiga Duur Iyo Xildhibaan Buuba Oo Ka Badbaaday Qorshe La Doonayay In Xisbiga Waddani Lagaga Saaro

Date:

Siyaasiga Maxamuud Nuur Caraale (Duur) iyo xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa ka badbaaday qorshe la doonayay in lagaga saaro xisbiga Waddani.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shir ay Axadii yeesheen guddiga fulinta ee xisbiga Waddani, wuxuu ku soo bandhigay in anshax marin lagu sameeyo labadaas siyaasi oo si weyn u taageeray baaqii uu Madaxweyne Biixi ka noqday ee uu hore ugu sheegay in la furayo ururada siyaasadda.

Ma jiro wax war ah oo kulankaas ka soo baxay oo rasmi ahi, Laakiin sida ay sheegeen warar saxaafadu baahisay xubno ka tirsan guddiga fulinta ayaa ka hor intii aan codka la qaadin waxa ay ka horyimaadeen qorshahaas, waxaanay xubno ka mid ahi ku doodeen in xisbiyada mucaaradku ay u baahanyihiin siyaasiyiinta, laakiin aanay u baahnayn siyaasiyiin laga saaro.

Waxaana sidaas ku baaqday qorshahaas la doonayay in xisbiga lagaga saaro labadaas siyaasi, iyadoo aan wax cod ah loo qaadin.

Xisbiga UCID ayaa laga saary laba siyaasi oo iyaguna taageeray furista ururada siyaasadda, kuwaas oo kala ahaa Maxamud Cali Ramaax iyo Maxamuud Cali Muuse (Jiir)

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...