Somaliland: Maxakamada Ciidanka Qalabka Sida Oo Dil Toogasha Ah Ku Xukuntay Askarigii Taliyaha Dilay.

Date:

Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Somalilanda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askarigii dilay taliyihii ciidanka Birmadka ee magaalada Barbara

Waxaanay Maxakamadu Dil toogasho ku xukuntay  Cabdirisaaq Maxamed Kheyre oo ka mid ahaa askarta ciidanka Booliiska ee magaalada Berbera, kaddib markii uu shalay si badheedh ah toogasho ugu dilay , taliyihiisii Xiddigle Marxuum  Adam Guuleed Daahir(Talaabo)

Sidoo Kale waxa ka hadlay  Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, mudaharaad shalay ka dhacay Magaaladda Berbera, kaasi oo lagaga soo horjeeday dilka Taliyihii ciidanka Birmadka Saaxil.

Badhasaabku waxa uu sheegay mudaharaadkii shalay ka dhacay Berbera ay sameeyeen  dad aan sharciga aqoon oo doonayay in dil lagu fuliyo askarigii dilay sarkaalkii Booliska ahaa. “Waxay doonayeen in markii xukunka Maxkamaddu dhacay ee lagu dhawaaqay-ba in la fuliyo xukunka ka soo baxay oo waxay ahaayeen dumar iyo caruur aan sharciga garanayn, kana soo jeeda qoyska marxuumku ka baxay.  laakiin markii aanu la hadalnay ee aanu u sheegnay in xukunka dhacay uu yahay derajada koowaad isla markaana loo gudbayo derajada labaad oo kiisku u gudbay,way ku qanceen waxaanay ku noqdeen guryahoodii imikana waxaa la isku raacay in laga war sugo kiiska Maxkamadda ku jira ee ah xukunka derajada labaad ee Maxkamadda ciidamada,”ayuu yidhi Badhasaab Fahmi Cabdi Bidaar .

Mr. Fahmi waxa uu sheegay in xalay la aasay sarkaalkii khamiistii la dilay, waxaanu yidhi  “Markii xukunka Maxkamaddu soo baxay ee dadkii kacsanaa aanu u sheegnay in loo gudbayo derajada labaad ee xukunka sharcigana la marinayo gacan ku dhiiglaha ayaa  la isla qaatay in marxuumka la aaso imikana waxaanu ku sugan nahay xabaashii marxuumka lagu aasayay waxaana lagu sagootiyayaa aas qaran.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...