Deg Deg: Dagaal Saaka Dhex-maray Ciidammada Somaliland Iyo Kuwa Puntland Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Date:

Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in waaberigii hore ee saaka halkaas uu dagaal ku dhex-maray Ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo maamulka Puntland.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar uga dhacay Degamda Laasqoray, wuxuuna dhexmaray Ciidamo ay kala wateen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Degmada Badhan ee Somaliland Maxamuud Xaamud.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayeen rasaas labada dhinac ay isku dhaafsanayeen gudaha Degamda Laasqoray ee Gobolka Snaag, isla markaana dagaalka uu ka dhashay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay dagalkaas, halka mid kalena dhaawac uu soo gaadhay, waxaana kan dhaawaca uu soo gaadhay la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla degamda Laasqoray.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhaya degamda Laasqoray ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada degmada haatan ay tahay mid degan oo aan la maqleyn wax rasaas oo dhaceysa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...