Somaliland: “Cid Somaliya Inagu Qasbi Karta Ma Jirto, Jiritaanka Dalkeenuna Waa Muqadas”

Date:

“Waxaa Hubaal Ah In Caalamku Ina Aqoonsanayo, Wakhtiga Ay Doontaba Ha Inagu Qaadate” 

Suldaan Xasan Suldan Cabdilaahi  Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan qaranimadooda.

Suldaan Xasan Suldan Cabdilaahi  Suldaan Cabdiraxmaan, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Muddo ku dhaw 30 sanno, ayeynu ahayn Dal madax banaan, hubaal ahaana duruufo badan oo aad u adag oo waayahooda leh ayaa ina soo maray, oo aynu ka soo gudubnay, maantana halkaynu marayno waxaa xaqiiqo ah in aanay gaadhin Wadamo badan oo aqoonsi buuxa haysta,markaas haddii aynu hore Somaliya iskugu darsanay, oo aynu dal ku midawnay, haddana weynu kala madax banaanahay, cid Somaliya inagu qasbi karta ma jirto, jiritaanka dalkeenuna waa muqadas, maxaa yeelay dadkeena ayaa boqolkiiba todoba iyo sagaashan u coddeeyey in aanay mar dambe dib ula midawbin Somaliya, sida aynu ka war haynana Ingiriiska oo ka mid ah Wadamada ugu balaadhan Adduunka, ayaa isagoo xor ah ka baxay Yurub, oo dadkiisa ayaa u coddeeyey”.

Mar uu ka hadlaayey Aqoonsiga Somaliland ayaa wuxuu  yidhi “Somaliya inaga ayaa ka hor qaadanay xoriyada, oo in mar horeba la ina aqoonsado oo Caalamku ina aqoonsadaan ayaa loo baahnaa, mar haddii aynu buuxinay wax walba oo looga baahan yahay Dal iyo Dawlad, laakiin waxaa hubaal ah in caalamku ina aqoonsanayo, wakhtiga ay doontaba ha inagu qaadate”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...