Horudhac: Chelsea vs Southampton… (The Blues oo soo dhoweynaysa Saints, xilli ay afar dhibcood ka sarreyso kooxda kaalinta shanaad)

Date:

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa kulankeeda ugu horreeya ee Boxing Day waxa ay wajahaysaa naadiga Southampton, iyadoo og inay afar dhibcood ka sarreyso kooxda ku jirta kaalinta shanaad horyaalka Premier Legaue ee Sheffield United.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay wajahayaan kooxda Saints taasoo guuleysatay saddex ka mid ah shanteedii kulan ee ugu dambeeyey, iyadoo saddex dhibcood uun ka sarreysa aagga dib uga laabashada horyaalka ee (Relegation zone).

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Khamiis, 26 Dis 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 6:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Jonathan Moss (England)

Garoonka: Stamford Bridge

Wararka Kooxaha:-

Kabtanka kooxda Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa la qiimeyn doonaa kaddib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii Tottenham.

Macallinka kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay inuu nasin doono qaar ka mid ah xiddigihiisa, maadaama uu diiradda ku hayo kulammada Boxing Day ee isdabayaal.

Xiddiga kooxda Southampton ee Moussa Djenepo ayaa sii wadan doona maqnaanshihiisa dhaawac muruqa ah, halka Shane Long uu shaki ku jiro kulankan maadaama uu qabo dhaawac jilibka ah.

Kevin Danso ayaa ka soo kabsaday nanuun uu la maqnaa, halka Sofiane Boufal uu isna soo laaban karo kaddib labo kulan oo uu la maqnaa dhibaato dhanka suulka ah.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Chelsea ayaa guuleysatay todobo ka mid ah siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay la ciyaartay Southampton kulanka kalena barbaro ayay la gashay, wax guuldarro ahna kalama kulmin tan iyo khasaarihii 1-3 oo ay kala kulmeen bishii October sanadkii 2015-kii iyagoo gurigooda ku ciyaaraya.

>- Southampton iyo Chelsea ayaa barbaro 0-0 ah ku galay kulankaan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay – Saints waligeed shabaqeeda gool kama ilaashan kulamo isku xiga iyadoo marti ah oo ay ka hortageen Blues kulammada sare.

>- Chelsea iyo Southampton ayaa afar jeer ku kulmay horyaalka Premier League maalinta Boxing Day kan ugu caansanna waxa uu ahaa midkii dhacay 20-sano ka hor markaasoo ay Chelsea ay noqotay kooxdii ugu horreysay Premier League ee safkeeda hore oo garoonka ugu bilowday uusan ku jirin xiddig British ah kulankaasoo ay 2-1 ku badiyeen.

>- Chelsea ayaa guuldarro la’aan ah 14-keedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League ee kulammada Boxing Day waxaana ay haysataa 9 Guul iyo 5 Barbaro, waa heerkoodii ugu fiicnaa oo aysan wax guuldarro ah la kulmin tartankan taariikhda, markii ugu dambeeyey oo ay khasaaro la kulmeen waxa ay ahayd 2003 markaasoo iyagoo wajahay Charlton looga adkaaday 2-4.

>- Kulankaan waa kii 17-aad ee Southampton ay ciyaarto horyaalka Premier League kulammada Boxing Day, waxaana ay haystaan 4 Guul, 6 Barbaro iyo 6 Guuldarro, waxaana uu noqon doonaa kulankoodii 16-aad ee noocaan oo kale oo ay ka horyimaadaan koox ka dhisan Magaalada London, marka laga reebo mid ay 3-0 uga badiyeen Cardiff sanadkii 2013-kii, kulankooda kaliya ee  Boxing Day oo ay booqdeen caasimadda Ingiriiska tartankan waxa uu ahaa kulan ay la ciyaareen Crystal Palace sanadkii 2014-kii.

>- Chelsea ayaa guuldarro la kulantay labo ka mid ah saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay garoonkeeda ku ciyaartay, waxaana ay haysataa hal guul kaliya, waana in ka badan intii ay sameeyeen 28-kulan oo markaas ka hor ay ku ciyaareen tartankan garoonkooda Stamford Bridge oo ay la yimaadeen 16 guul, 10 barbaro iyo 2 Guuldarro.

>- Southampton ayaa gool dhalisay mid kasta oo ka mid ah siddedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku soo ciyaareen meel ka baxsan garoonkeeda, waana rikoorkeedii ugu dheeraa tartankan tan iyo markii ay 11 kulan goolal dhalinayeen horyaalka 11 kulan oo xiriir ah intii u dhaxaysay December 2013 illaa April 2014, xaqiiqdii kaliya Man City (20) iyo Liverpool (12) ayaa dhaliyey goolal ka badan kulammo isku xiga iyagoo marti ah tartankan naadiga Saints.

>- Southampton 16-kii gool ee ugu dambeeyey oo ay ka dhalisay horyaalka Premier League waxaa u dhaliyey xiddigo Ingiriis ah, marka laga reebo goolasha la iska dhaliyey ee (own goals), waa rikoorkoodii ugu dheeraa tartankan tan iyo Queens Park Rangers oo intii u dhaxaysay bishii March 1996 illaa September 2011 ay xiddigo Ingiriis ah u dhaliyeen 17 gool.

>- Danny Ings ayaa dhaliyay goolka Southampton guuldaradii 1-4 ee ka soo gaartay Chelsea, intii lagu jiray Premier League kaliya Rickie Lambert (2012-13) iyo Kevin Davies (1997-98) ayaa goolal ka dhaliyay labadii kulan ee ay ka horyimaadeen Blues hal xilli ciyaareed.

>- Xiddiga Chelsea Willian ayaa dhaliyay afar gool 17 kulan oo Premier League uu saftay illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, waana in hal gool ka badan goolasha uu dhaliyay 32 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore,  Willian kaasoo labo gool dhaliyay kulankii ugu dambeeyay ee uu ka horyimid Spurs ayaan shabaqa soo taabanin kulammo isku xiga horyaalka Premier League tan iyo bishii October sanadkii 2015-kii.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...