Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Shirkad Gaar Ah Kala Wareegay Taarikada Gaadiidka Buugaagta gaadiidka

Date:

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne ku laalay heshiis laba shirkadood oo madaxbanaan lagula jiray oo ahaa samaynta taarikada gaadiidka iyo buugga gaadiidka .

Wareegto uu shalay Madaxweyne Biixi soo saaray wuxuu ku yidhi sidan : “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-394/122019, ku soo saaray La-wareegidda Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number).

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

 

 

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:                  Qodobka 14aad, faqraddiisa 1aad iyo Qodobka 54aad, faqraddiisa 1aad ee Dastuurka;

Markaan Arkay:                  Xeerka Wada-marista Gaadiidka Xeer Lr. 56/2013;

Markaan Garwaaqsaday: In daryeelka iyo Hantida Guud ay tahay waajib saaran Xukuumadda, hantidaas oo haddii loo baahdo lagu wareejin karo oo keli ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka Dalka;

Markaan Xaqiiqsaday:       La soo noqoshada Hantida Dawladdu muhiimadda ay leedahay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga  Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act);

Markaan dersay:                  Muhiimadda ay leedahay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hanti ahaan iyo maamul ahaanba Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number);

Markaan Helay:                   Talo soo-jeedinta Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Heer Qaran iyo Tallo Bixinta Sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS;

Waxaan Go’aamiyey;

1)      In la buriyey heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada; Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number).

 

2)      In Xukuumaddu gebi ahaanba la soo noqotay maamulkii, gacan-ku-hayntii, adeegii iyo qalabkii Buugga Lahaan-shaha Gaadiidka iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number).

 

3)      In Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Xafiiska Hanti-dhawraha Guud iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS ku maal-geliyeen Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number), iyaga oo dersaya qiimaha ay hadda suuqa ka marayaan marka ay cusub yihiin, isla markaana ka jaraya wixii duugaw ah (Depreciation).

 

4)      In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibaadkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.

 

5)      In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...