Somaliland: Cali Khaliif Oo Mar Kale Sharraxay Wada-Hadalladii KHAATUMO IYO Dawladda Somaliland Iyo Shuruud Hore Leh Oo Uu Soo Bandhigay

“Somaliland inta disteerkoodu jiro wax aanu annagu hollinayno ma aha inaanu kamid noqonayno, mana noqonayno, shuqulna ku yeelan mayno, laakiin haddii ay doonayaan distoorkaas inay beddelaan

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Md. Cali Khaliif Galaydh, ayaa mar kale tafsiir ka bixiyey wada-hadalladii uu maamulkiisu dhawaan la bilaabay Somaliland, waxana uu shuruud adag ku xidhay midnimo maamulkiisu isku raacsan yahay oo uu Somaliland la galo.

Cali Khaliif oo waraysi siiyey Telefishanka Universal, ayaa si cad u sheegay inaanu maamulkiisu kuu biiri doonin Somaliland ilaa inta wax laga beddelayo distoorka jamhuuriyadda Somaliland oo uu sheegay inuu saluugsan yahay, waxana uu yidhi, “Somaliland inta disteerkoodu jiro wax aanu annagu hollinayno ma aha inaanu kamid noqonayno, mana noqonayno, shuqulna ku yeelan mayno, laakiin haddii ay doonayaan distoorkaas inay beddelaan muddadii ay doonto ha qaadatee waa la eegi karaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu qiray inay jiraan waxyaabo Somaliland iyo maamulkiisu isku maan-dhaafsan yihiin, balse ujeeddada wada-hadalladu ahayd sidii jawi is-fahan iyo mid is af-garad ba loo wada gaadhi lahaa,“yoolka ama ujeeddada aanu wada-hadallada Somaliland ka leenahay waa in nabad la gaadho oo is-fahan la gaadho, arrimo aad loogu kala geddisan yahayna way jiraan” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

Waxa uu Cali Khaliif  caddeeyey inaanu wax rajo ah ka qabin midnimadii Soomaaliweyn ee uu inta badan ku riyoon jirey, isaga oo caddeeyey inay dantooda ka raacdeen, waxana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya,“sida hadda wax noogu muuqdaan Xamar midnimo Soomaaliyeed oo aan ugu dhimano kama aragno, waxana aanu ka door bidaynaa dantayada, ninka Xamar hadda odhanaya midnimadii Soomaalida xaggeed dhigteen, midnimada Soomaalida wax noogu hiiliyana maanu arag, imikana danyadaanu ka raadsanaynaa, dantayaduna waxa ay tahay inay dadkayagu nabad ku noolaadaan oo salka dhulka dhigaan”

Comments

comments