Somaliland: Labada Xisbi Mucaarad Iyo Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye Oo Wada Jir U Aqbalay Shanta Qodob Ee Gudida Dhexdhexaadintu Ay Soo Saareen

Date:

Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa dhamaantood sheegay inay si rasmi ah u aqbaleen go’aanka gudida dhexdhexaadintu ay soo saartay ee shanta qodob ka koobnaa.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa afka labada xisbi mucaarad wadajir ugu hadlay waxaanu sheegay in ay go’aanka gudida si dhamaystiran u qaateen meeshana uu ka saarayo tabashadii gaar ahaaneed ee komishankii hore ee doorashooyinka, guddoomiyaha labaad ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa sheegay dhankiisa inay go’aankaas aqbaleen sharcigana ay taageersan yihiin in la mariyo.

Guddoomiya Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta la hadlay kadib kulan ay xarunta xisbiga Ucid ku wada qaateen xisbiyada mucaaradka ah waxa uu ku dhawaaqay waxay isla qaateen“ Waxaan halkan ka soo jeedin doonaa war murtiyeed ama go’aan wada jir ah xisbiyada Ucid iyo Waddani oo aan anigu maanta afkooda ku wada hadlaayo waxa socday oo aad ka warqabteen ergo iyadu is xilqaantay sidii dhaqanka Somaliland ahayd marka arimuu ay adkaadaan, ergadaas oo dhexdhexaadinaysay asxaabta mucaaradka iyo madaxweynaha iyo xisbigiisa, ergadaas labada xisbi mucaarad waxa ay siiyeen kalsooni buuxda, madaxweynuuna waxa uu siiyay kalsooni buuxda Soomaaliduna waxay ku maah maahdaa ergo lama diro ama lama diido, go’aanka ergadu ama ha qadhaadhaado ama malab ah ahaado waxa ay caadadu tahay in la aqbalo go’aanka ergadaas aad kalsoonida siisay markas waxaan u sheegayaa shacbiga Somaliland iyo dhamaan dadka daneeya Somalilandba iyo taageerayasha labada xisbiba in labada xisbi si wada jir ah ay u aqbaleen go’aamadii ay soo saareen ergadaas dhexdhexaadinta ah. Waxa kale oo aan intaas ku darayaa ninkii gardiidka ahaa maantana ha ku darsdo ergo diid.”

Guddoomiye Cirro oo akhrinaayay war murtiyeedka ay soo saareen waxa uu yidhi“ Markaanu eegnay xaalada guud ee dalku maraayo markaanu ka gun gaadhnay in aanay jirin xukuumad u maqan dalka iyo dadka oo danaynaysa midnimada wada jirka iyo jiritaanka umadda marka aanu aragnay in aanay xukuumadu diyaar u ahayn qabsoomida doorashooyin sharci ah, markaanu aragnay baahida shabiga Somalilad ay u qabaan qabsoomida doorashooyinka golayaasha, markaanu tixgalinay sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd in la aqbalo go’aamada gudiyada dhexdhexaadinta waxay labada xisbi mucaarad go’aansadeen inay aqbalaan dhamaan go’aamada ka soo baxay gudida dhexdhexaadinta gudida dhexdhexaadinta xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumada, anaga oo eegayna danta guud ee qaranka midnimada umadda geedi socodka dimuqraadiyada waxaanu meesha ka saarnay tabashadii aanu ka qabnay komishankii hore ee doorashooyinka hadaanu nahay xisbiga Waddani, xisbiyada mucaaradka ah ee Ucid iyo Waddani waxay u mahadcelinayaan gudidii dhexdhexaadinta, waxaanuna ka xunahay sida ay ula meeraysteen xukuumada iyo xisbigeedu waxaanuna umada u sheegaynaa in aanan anagu la meeraysanayan umadda.”

Maxamed Kaahin Axmed guddoomiyeha labaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye waxa uu sheegay inay go’aankaas aqbaleen sharcigan ay waafajin doonaan“ Gudida dhexdhexaadintu waa odyaal ixriraam ayaanu siinaynaa waxa ay soo saareen qaraar, qaraarkaas ay soo saareen waxa uu ka kooban yahay shan qodob laba qodob waxa ay khuseeyaan komishankii hore iyo komishanka cusub, xbiga Kulmiye waxa uu si buuxda u taagerayaa qaraarkas ay soo saareen, waxa kale oo uu taageerayaa tilmaamta ay raaciyeen ee odhanaysa waxa loo markayaa dariiqa sharciyada dalka, waayo komishanka cusub qaraarka ay ka soo jeediyeen iyo komishankii hore qaraarka ay ka soo jeediyeen labaduba wax ay ku xidhnaanayaan in loo raaco sharciyada dalka anaguna taas ayaanu taageersanahay, qodobka odhanaaya xukuumada iyo xisiyada mucaaradka ah inay ka waantoobaan oo dadaal ka muujiyaan in aan masuuliyadooda iyo hadaladooda iyo curfigood aanay noqon qaar keeni kara inay nabadgalyada qaranka dhaawacdo, umadda Somaliland waxaan u sheegayaa aniga oo ku hadlaaya afka xisbiga Kulmiye mar walba uu ku dadaalaayo mar walba habdhaqankiisu in masuuliyadihiisu ay ku qotonto in aanay ku hadal curfi keeni kara dhaawac umadeed, kala qaybin umadeed xasiloonida dalka iyo nabadgalyadiisa mid dhaawaci kara, xisbiga Kulmiye aad iyo aad ayuu qodobkaas u taageerayaa.”

Waxa uu sheegay Maxamed Kaahin guddoomiye kux igeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye in ay ixtiraamayaan mudo kordhinta golaah guurtida oo sharciyan iyaga uu dastuurku u siinayo ayna shaqdooda qabsadeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...