Somaliland: Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Dhaliilihii Ugu Badnaa U Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Biixi

Date:

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa dhaliilo aad u badan u jeediyay madaxweyne Biixi iyo qoyskiisaba, waxa uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe sheegay in dalka awooda madaxweynaha uun ay shaqayso isla markaasna qosykiisu uu dhamaantii galay dhanka ganacsiga meeshana laga saaray awoodii baahsanayd ee dalka.

Waxa uu guddoomiya Faysal Cali Waraabe soo dhaweeyay go’aanka gudidii dhexdhexaadintu ay soo saareen, waxaanu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in dalku uu ka baxo muranka taagan ee go’doonka ka dhigay, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay tilifishanka HCTV isaga oo Imaaraadka ku sugan.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlaayay sida laysku waafajin karo komishanka cusub in la kala diro iyo in kii hore la soo celiyo waxa uu yidhi “ Dastuurku waxa uu qorayaa in golaha wakiilada la doortay shan sanadood 17 sanadoodna waa ay joogaan, guurida waxa uu qorayaa inay 6 sanadood joogaan 22 sanadoodna waa ay joogaan waxaas oo dhan is afgarad ayaa lagu ogolaaday tana afgarad ayaa lagu ogolaanayaa hadii alle yidhaahdo, hadii wanaag la doonayo hadii la doonayo in waddanku socdo, hadii la doonayo In wadanku uu godoonka ka baxo, hadii la doonayo in dalku midoobo oo shaqeeyo, maanta dawlada Muuse Biixi ma shaqaynayso dalku waa uu taagan yahay waxa uu ka dhigay dalkii bakhaar uu qoys leeyahay si taas looga baxo waa in la sameeyaa baarlamaan dheelitiran iyo dawlado hoose oo shaqeeya oo ay ka soo baxaan maayaro fiican inaan aduunka la jaan qaadno ayaa la rabaa, murankan laga baxo ayaanu leenahay.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa la waydiiyay in uu isaguba tukaan ka dhigtay xisbiga Ucid oo tan iyo intii xisbiyada la aas aasay uu hogaamiyo, waxaanu yidhi“Aniga waa lay doortay isagana waa la doortay hasa ahaatee dawladu waa ay ka faro badan tahay xisbi, dawladu waxay leedahay wasaarado, agaasimayaal ayay leedahay ganacsatada ayaa ku nool waxiiba inuu qoyskiisa ka dhigo, awalna waa ay inoo kala soocnaan jirtay siyaasada iyo ganacsigu hada waxa isku qasan qoyskiisa,raaskiisa iyo ganacsigii oo shaqadii wasaaradaha oo dhan isagaa haya wasiir kaliyaata oo talaabo qaadi karaa ma jiro, waxiiba wax nin kaliyaati ina tusaaya ayuu ka dhigay, lama diidana in la doortay ee waxaan arkaynaa inuu dalkii ka dhigay hal qof, wax kasta anigaa saxeexaya wasiiradii awoodba ma laha, caruurta uu abtiga u ahaa, walaaladii dadkiisii oo dhamina waxay galeen ganacsiga.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...