Somalia: Madaxweynayaashii hore ee dalka oo loo diiday inay ka dhoofaan Aadan Cadde

Date:

Wararka naga soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in la diiday in madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ay ka  dhoofaan garoonka, ayaga oo kusii jeeda magaalada Beledweyne.

Maamulka garoonka ayaa labada mas’uul iyo xubnaha wafdiga Madasha Qaran ku war-geliyey inaysan diyaaraddooda ka duuli karin garoonka.

Wafdiga Madaxweynayaashii hore ayaa xilligan ku sugan qeybta VIP-da garoonka, islamarkaana loo diidan yahay safarkooda Beledweyne.

Garoonka ayaa waxaa sidoo kale la filayaa inuu goor-dhow ka dhoofo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo isna kusii jeeda magaalada Beledweyne.

Maamulka garoonka ayaa mar laga soo xigtay in sababta ay tahay in madaxweynaha HirShabelle uu kusoo war-geliyey in wafdigan aan loo soo dayn Beledweyne, halka marna ay sheegeen inuu jiro amar ka yimid madaxda sare ee dowladda.

Xubno ku dhow xafiiska Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay inay Beledweyne ka heleen warar sheegaya in garoonka ay biyo fadhiyaan, oo aysan diyaarad ka degi karin.

Si kastaba, bixitaanka Kheyre iyo joogistiisa ayaa kala caddeyn doonta in arrintan ay tahay dhibaato ka taagan garoonka Beledweyne iyo inay tahay xanibaad la saaray madaxdii hore ee dalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...