Somalia: Dib u dhac ku yimid safar uu Ra’iisal Wasaare Kheyre ku iman lahaa magaalada Beledweyne

Date:

Waxaa dib u dhac ku yimid safar uu maanta oo Axad ah magaalada Beledweyne ku iman lahaa Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre.

Wafdi hor dhac ah ahaa Ra’iisal Wasaaraha oo ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa lagu war-galiyay in ay dib uga soo laabtaan kaddib markii uu Ra’iisal Wasaaruhu ka baaqday safarkii uu maanta ugu soo anbabixi lahaa Beledweyne.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan sababta baaqashada Ra’iisal Wasaaraha siweyn magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay magaalada soo gaaraan xubno ka tirsan madasha Xisbiyada Qaran oo ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed socdaalkaa oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo dadka ay fatahaadu saameysay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...