Somaliland: “Waa Markii Kowaad Ee Aynu Aragno In Qoys Madaxweyne Ay Dad Masaakiin Ah Ay Hantidooda Awood Ku Qabsadaan”

Date:

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa gef iyo dulmi ku tilmaamay in qoys masaakiin ah dhulkooda iyo hantidooda awood lagaga qaado, isagoo ku eedayey qoyska Madaxweynaha,

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka taagan Komishanka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Taariikhda waa markii kowaad ee aynu aragno in qoys Madaxweyne ay dad masaakiin ah ay hantidooda, dhulkooda iyo guriyahooda awood ku qabsadaan, waana ayaan daro weyn in dad boqolaal ah loo awood sheegto, ta kale intii aanu Muuse Biixi xilka dalka qaban, maxaynu u arki weynay qoyskiisa oo sheeganaya ama ku doodaya hantidan, dhulkan iyo guriyahan, ay hadda qpyskiisu haystaan, waxaana leeyahay Madaxweyne qoyskaaga ka qabo dulmiga ay wadaan, haddii aad raali kala tahayna weynu arki doona”.

Mar uu ka hadlaayey khilaafka Komishanka ayaa yidhi “Madaxweynuhu marka uu Cabdirashiid Riyo Raac magacaabay waxaa caddatay in aanu Doorasho diyaar u ahayn, Madaxweynuhu markii uu magacaabay inantan Komishankii hore ka tirsana waxaa caddatay in aanu Doorasho diyaar u ahayn, waxaana caddayn u ah aanu Madaxweynuhu diyaar u ahayn Doorashada in Cabdirashiid Riyo Raac uu yahay Xisbiga Kulmiye, oo waliba Xisbiga Waddani uu marar badan six un u caayey, markaas Xisbi uu caayey uma noqon karo Komishan, ta kale XIsbiyada iyo Madaxweynuhu haddii ay ka heshiiyeen Komishankii hore in la kala diro oo Komishan kale la magacaabo, waxaa uu si toos ah u jabiyey heshiiskaas uu la galay Xisbiyada, maxaa yeelay xubin ka mid ah Komishanka la kala diray ayuu dib u soo celiyey, waxaan leeyahay inantani waa inan sharaf leh ee inaad soo lugayso maaha Madaxweyne”.

Mar uu ka hadlaayey Golihiisa Wakiilada iyo waxaa uga meel yaala Komishankan ayaa yidhi “Haddii aanu nahay Xildhibaanada Wakiilada, Mucaarad iyo Muxaafidba damiirkaygu uu nool yahay, oo cid kasta oo sharci sharcigu u ogolayn inuu Komishan noqdo ansixin mayno, oo codkayga ayaanu ku diidaynaa”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...