Somaliland: Qoysas Ka Banaanbaxay Qoyska Madaxweyne Biixi Oo Ay Sheegeen Inay Awood Dawladeed Kaga Qaadayaan Dhul Ay Degenyihiin

Date:

Dad cadhaysan ayaa taayiro ku gubay dhul ay sheegeen in loo xukumay qoyska madaxweyne Biixi oo ku eedeeyeen inay awood dawladeed isticmaaleen. Dhulkan ayaa ku yaala dhinaca galbeed ee Hargeysa.

Dadkan ayaa sheegay in laga dumiyay dhismayaal, dad iyaga ka mid ah oo haween ay ku jiraan in xabsiga loo taxaabay kadib markii loo xukumay qoyska madaxweyne Biixi dhulkii ay deganaayeen sida ay sheegeen tan iyo markii dalka la soo galay, dadkan ayaa xusay in aan hore dhulkan loogu qabsan haddana awood dawladeed loo isticmaalayo.

Dadkan cadhaysnaa ayaa ka hadlay tilifishanka HCTV, waxaana ugu horayntii nin goobta ku sugan oo arintan ka hadlaayay uu yidhi“ Buurtan aanu naalo ee caasimada magaalada ah noqotay labada kun ka hor ayaanu ooli jirnay oo waa buurahaan ku dhalanay ee da’daas ku leekaanay, hadda waxay gaadhay heer guryahayaga gawaadhida booliska lagu qaato oo magaalada la’la tago,cidaanu isku haynaana waa Muuse Biixi,cida uu abtiga u yahay ilmaadeeradii, qoyskiisa.”

Sida oo kale mid ka mid ah dadkii halkan ka hadlay waxa uu sheegay“ halkan waxa la deganaa afartii madaxweyne ee ka horeeyay Muuse Biixi iyo ka hor caruurii ku dhashay maanta iyaga ayaa caruuro iyo reero leh dadka dadkan halkan ku haysta mar kaliyaata lagama maqlin halkan ayaanu leenahay markii Muuse Biixi kursiga fuulay ayay sheegteen meesha oo ay yidhaahdeen anaga ayaa leh, waxaanu ku leenahay madaxweyne adiga oo sharaf iyo maamuus naga mudan waxay taasi markhaati ka tahay inaad la ogtahay,maanta in walaalkaa loo xukumo lix boqol oo qoys oo afartan sanadood deganaa in loo xukumo buurtaas dhakadeeda oo la yidhaahdo beer ayay ahayd taasi waa xad gudub cad waa dulmi.”

Haweenay da’ ah ayaa madaxweynaha u dirtay fariin xanuun badan“ cagta naga dhig yaanaan dhamaan caasi kaa noqone,madaxweyne anaga ayaa ku dooranay anaga ayaa meesha ku keenay anaga ayaa kuu ollolaynay oo dahabkayagii kuu iibinay, wax na wadayba garan mayno 25 sanadood ayaan halkaas deganay anigu intaas aad madaxtooyada qabsatay mooyaane intii ka horaysay wax meeshaas doonaya maan arkin waa laydinku haystaana nalama odhan kolkaanu sharciyaysanaynay nalagama hor joogsan aqaladan markaanu dhisanaynay nalagama hor joogsan,subaxaad madaxtooyada qaadatay ayaa la yidhi ina Biixi ayaa leh,madaxweyne wax la xejisan karaayo maaha, wax lagaa aqbaalayana maaha,magac xumo ha ku qaadin oo yaanay noqon madaxweynii dalka qabsan jiray,caruraana lay jiray umulahana soo xidhxidhi jiray yaad noqon, madaxweyne ubadkaaga yaanay waxani  ku danbayn.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...