Somaliland: Hargeysa: Tuug Tooray Ku Dhaawacay Ilmo 7 Bilood Jira Oo Hooyadii Xambaarsanayd

Date:

Saddex tuug ayaa shalay dhaawac gaadhsiiyay wiil yar oo 7 bilood jira oo ay hooyadii xambaarsanayd, ka dib markii ay tooray ku dhufteen, iyagoo ilmaha yar moodaya shandad ay hooyadu dhabarka ku sidato.

Dhacdadan oo dadka reer Hargeysa ee arkay ama maqlay ku riday argagax ayaa waxay ka dhacday dooxa laga talaabo ee dhismaha jabjabka ee dhinaca bari ee magaalada Hargeysa. Ilmaha yar ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaadhay toorayda oo ay tuugtu kaga dhufteen inta u dhaxays miskaha iyo dhabarka. Ilmaha yar ayaa qayliyay markii ay tooradu ku dhacday, markaas ayaanay hooyadu dareentay oo ay qaylisay markii ay aragtay ilmaheedii oo dhiig badani ka socdo, sida ay dad goob-joog ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika.

Dad goob-joog ah ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in ciidamada Booliska oo gacan ka helaya dadweynihii goobta ka dhawaa ay gacanta ku soo dhigeen saddexda tuug ee falkan naxdinta badan gaystay, waxaana wiilka y ar la geeyay cisbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu dabiibayo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...