Somaliland: Hoggaamiyayaasha Siyaasadeed Ee Somaliland Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Raysalwasaaraha Dalka Itoobiya

Date:

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa bogaadiyay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo ku guulaystay biladda abaalmarinta nabadda ee Nopel Peace Prize.

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa qoraal kooban oo lagu qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku yidhi, “anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ku bogaadinayaa bilada nabadda ee uu ku guulaystay.”

Wax sawir ah lama raacin qoraalka lagu baahiyay twitterka Madaxweyne Biixi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan cirro, ayaa isna qoraal kooban oo lagu qoray twitter kiisa wuxuu ku bogaadiyay Abiye Axmed bilada nabadda ee uu hantiyay, “Abiye Axmed caalamka ayaa ku abaalmariyay hoggaaminta uu dadkiisa ugu abuuray rajada iyo nabadda uu ka aslaaxiyay jaarkiisa.” Ayuu yidhi Cirro oo intaas sii raaciyay in nabadu guulaysatay, cadaadiskuna guuldaraystay.

Qoraalka farriinta Cabdiraxmaan-cirro waxa la raaciyay laba sawir oo ah guddoomiye Cirro iyo Raysalwasaare Abiye Axmed oo la is garab dhigay.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa isna waxa twitterkiisa la soo geliyay qoraalkan, “Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland, waxaan jecelahay inaan hambalyeeyo walaalkay Raysalwasaaraha Itoobiya oo ku guulaystay biladda nabadda ee sannadka 2019.” Ayuu yidhi Saylici oo intaas raaciyay in Abiye uu dunida u horseeday heshiiska taariikhiga ah ee uu la galay Ereteriya oo lagu soo afjaray colaad 20 jirsatay, “Waad u qalantaa.” Ayuu yidhi.

Qoraalka Cabdiraxmaan Saylici waxa la socda sawir ah Abiye iyo Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...