Somaliland: Dawladda Itoobiya Oo La Sheegay Inay Bedeshay Danjirihii U Joogay Hargeysa

Date:

Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay bedeshay safiirkii u joogay caasimadda Somaliland ee Hageysa danjire Shamsudiin Axmed Rooble.

Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladda Itoobiya ku xaqiijisay bedelaada diblomaasigan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in diblomaasigan oo muddo 2 bilood ah ka maqan shaqada xafiiskiisa Hargeysa la bedelay, waxaanay wararku sheegeen in la diyaariyay danjira cusub ee Itoobiya u qaabilsanaan doona Hargeysa, kaas oo la filayo inuu dhawaan soo gaadho Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan, ayaanay u suurtogelin.

Shaqada xafiiska Itoobiya ee Hargeysa ayaa la sheegay inay si caadi ah u socoto, waxaana sii wada diblomaasi kale oo ku xigeen u ahaa danjire Shamsudiin.

Danjire Shamsudiin oo bishii January ee sannadkan la wareegay shaqada xafiiska Itoobiya ay ku leedahay Hargeysa, ayaa wuxuu bedelay Brigader General Berehe Tesfaye oo muddo 10 sannadood ku siman ahaa wakiilka Addis Ababa ee Hargeysa.

Danjire Shamsudiin ayaa ka mid ah khubarada wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxaanu hore safiir uga soo noqday dalalka Djibouti iyo Kenya.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...