Somaliland: Fanaanadda Nimco Yaasiin Oo Laga Qaadayo Hidde-Sidaha DNA + Boqorka Guud Ee Beelaha Gabooye Oo Shaaciyay In Xal Laga Gaadhayo Muran U Dhexeeyay Iyada Iyo Qoyskii Soo Koriyey

Date:

Boqorka guud ee Beelaha Gabooye ee Somaliland, Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa sheegay in Xal laga gaadhayo Muran u dhexeeyay Fanaanadda Nimco Yaasiin Carraale iyo Qoyskii soo koriyey oo ay Wakiil ka tahay Gabadh lagu Magacaabo Adeega.

Muran ayaa muddo dheer ka taagnaa in Fanaanadda Nimco Yaasiin Carraale ka soo jeedo Qoys ka mid ah Beesha Gabooye, ka dib markii ay dhowr sannadood ka hor sheegtay in aanay ka soo jeedin Qoyskii soo koriyey, balse Qoyskii soo koriyey oo Adeega ay ka mid tahay ayaa arrintaa ku gacan-saydhay isla-markaana sheegay in Nimco ay Qoyskooda tahay, waxaana markaa ka dib Kiiskoodu galay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex.

Boqor Axmed Iimaan Warsame oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in arrintii Nimco Yaasiin iyo Qoyskii soo koriyey xal laga gaadhayo, la iskuna afgartay in laga qaado Dhiigga Hidde-sidaha loo yaqaano DNA, si rasmi ahaan loo kala saaro Nimco iyo Qoyska ka midka ah Beelaha Gabooye.

“Fanaanadda Nimco Yaasiin Carraale iyo Gabadha Adeega la yidhaahdo oo mar ay arrinkooda Saxaafadda soo gaadhay, Dacwaddooduna Maxkamadda Hargeysa taallo, Xal baa laga gaadhay oo labadoodaba Raalli bay iskaga noqdeen in Dhiigga DNA laga qaado, Laba Bilood ayay halkan (Hargeysa) Nimco u fadhiday in laga qaado DNA, Adeegina raalli ayay ka noqotay. In DNA laga qaado Nimco way ogolaatay, Adeegina way ogolaatay, markaa waabay iska dhammaan lahayd ee Hargeysa ayaan DNA lagu qaadin, markaa Muddo ayaa la noo qabtay wayna ballameen..” ayuu yidhi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...