Deg Deg: Dagaal Culus Oo Ka Dhex Qarxay Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Maamulka Puntland

Wararka naga soo gaaray gobolka Sanaag ayaa sheegaya in goordhoweyd degmada Hadaaftinimo oo ka tirsan gobolkaasi uu dagaal culus ku dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dagaalkan ayaa la sheegaya in uu weli socdo, isla markaana ay labada dhinac isku adeegsanayan noocyada kala duwan ee hubka.

Waxa kale oo lagu soo waramayaa in dagaalkan uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ilaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee labada dhinac kaga waxyeeloowday dagaalkan oo weli socda.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in labada dhinac ay hub iyo gaadiid kala qabsadeen, isla markaana ay weli ku dhex dagaalamayan degmada Hadaaftinimo.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco oo ishana ku hay Wargane News

Comments

comments