Somalia: Somaliya Oo Si Rasmi Ugu Dhowaaqday In Ay Taageereys Ololaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo wax wada qabsiga labada dal.

Wasiir Canshuur ayaa yidhi “Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga labada dal ee walaalaha ah.”

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ka warbixiyay kulanka ayaa xusay in labada dhinac ay isla lafo-gureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka isaga oo bogaadiyey guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhawaan ka gaareen dagaalka lagu la jiro kooxaha argagaxisada.

“Walaalaheenna Soomaaliya aad ayaan ugu hambalyeynaynaa sida ay maamulka iyo talada Soomaaliya u wadaan, aad ayaan Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeynaynaa la dagaalanka argagaxisada sida ay uga shaqaynayaan iyo sida ay u xoojinayaan deganaanshaha iyo xasiloonida dalka.”

“Arrimaha gobolka ayaa laga xaajoonayaa. Suudaan wadcigeeda waad arkaysaan, Koonfur Suudan waa sidaas si lamid ah, Yemen oo aan naga fogaynaya dhibaatooyin badan ayaa ka taagan. Sidoo kale Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa inay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin ka noqoto, taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Nuur.

Comments

comments