Somaliland: Xaglatoosiye Oo Ku Taliyay In Tabashada Saami-Qaybsiga Dib Loo Dhigo

Date:

Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Saleebaan Xaglatoosiye), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaraddaha Dib u dejinta iyo Caafimaadka, ayaa ka hadlay tabashada saami-qaybsiga, iyo Xildhibaanada ka soo dareeray Golaha, waxaanu tilmaamay in saami-qaybsiga oo Doorashada lagu saleeya uu muhiim yahay.

Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Saleebaan Xaglatoosiye), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale bulshada u diray baaq ku saabsan nabadgalyada waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa muhiima ah si xeedhana xeedho u noqoto ilkana u nabad galaan in Doorashadan sidii hore lagu galo, oo Barlamaanka dambe ee imanaya iyo Guddida Doorashooyinka dambe ee imanaya ay sameeyaan sidii Doorashada dambe ee Barlamaanku loogu gali lahaa saami qaybsi, aniguna ma diidani saami qaybsiga, oo waxaan leeyahay Beelaha darafyada Somaliland iyo Beesha dhexe iyo guud ahaan Beelaha kala duwan ee Somaliland wada degaa xaq bay u leeyihiin inay helaan kuraastooda iyo saami-qaybsigooda, laakiin inta maanta la leeyahay saami-qaybsi ha la sameeyo, waxay ahayd in mar horeba laga sii baaran dego, oo hore looga sii tashado,Doorashada oo hadda saami-qaybsi lagu xidhaana dib u dhac iyo dhibaatooyin kale oo aynaan u baahnayn ayey inagu keenaysaa, ee taladdaydu waa dib ha loogu dhiga hadda tabashada saami-qaybsiga, oo si aanay Doorashadu dib inooga dhicin, oo qorshe ha laga sii yeesho Doorashooyinka dambe, oo Doorashooyinka dambe ha la inoo qabto Doorashooyin ku saleeysan saami-qaybsi”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...