Somaliland: Taliye Nuux Taani Oo Miiska Saraakiisha Ku Xidhay Taliyihii Guutada 31aad Oo Uu Xil Ka Qaadisna Ugu Hanjabay

Date:

Taliye Nuux Taani Oo Miiska Saraakiisha Ku Xidhay Taliyihii Guutada 31aad Oo Uu Xil Ka Qaadisna Ugu Hanjabay

Taliyaha ciidanka qaranka somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa amray in xarunta miiska saraakiisha ee magaalada Hargeysa lagu xidho taliyihii guutada 31aad ee ciidanka qaranka oo fadhigeedu yahay gobolka Sool gaashaanle sare Ismaaciil Faarax Cawaale (Doolaal).

Sida ay sheegeen warar rasmi ah oo BurcoOnline soo gaadhay, taliyaha ciidanka qaranka sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sidoo kale ugu hanjabay Gaashaanle sare Doolaal inuu xilka ka qaadi doono isla markaana amray in miiska saraakiisha lagu xidho, iyada oo wararku sheegeen inuu jiro khilaaf u dhaxeeyey labadan masuul oo mudo soo jiitamayey.

Sidoo kale waxa jirta waan waan la doonayo in layskugu soo dhaweeyo taliyaha ciidanka qaranka sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo gaashaanle sare Doolaal kuwaas oo ay wadaan saraakiil ka tirsan ciidanku balse aan ilaa hada wax natiijo ah laga gaadhin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...