Somaliland: Xisbiyada Qaranku Waxay Leeyihiin Qaanuuniyad Sharci ee yaan sifo khaldan loogu xad-gudbin

Xisbiyada Qaranku Waxay Leeyihiin Qaanuuniyad Sharci ee yaan sifo khaldan loogu xad-gudbin
Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye oo saxaafadda la hadlay maalintii Sabtida ayaa ku dooday in ninka jabhadka ah ee la yidhaahdo Caare uu yahay farac ka mid ah xisbiyada WADDANI oo ka mid ah saddexda xisbi qaran ee dalku leeyahay. Wax sahlan maaha in xisbi qaran oo dastuuri ah, kuna dhisan sharci baarlaman ansixiyey si fudud loogu eedeeyo inuu xidhiidh la leeyahay jabhad hubaysan oo qori iyo dagaal kala hortimid qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Ururrada & Axsaabta Siyaasadda ee xeer Lr. 14/2011, waxay xisbiyada qaranka ku waajibiyeen inay u hoggaansamaan dastuurka, xeerarka iyo hannaanka dimuqraaddiyadda, iyadoo aanay u bannaanayn inay ku kacaan waxkasta oo wax u dhimaya midnimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, dhammaanshaha dhul ahaaneed (Sovereignty) iyo nabadgelyada guud ee dalka. Sida ku cad qodobka 20 aad ee xeer Lr. 14/2011, xisbiyada qaranku waxa ay leeyihiin qaanuuniyad sharci (legal personality) oo xisbiga qaran magaciisa ayaa lagu dacwayn karaa ama magaciisa ayuu wax ku dacwayn karaa, waxaanna xisbiga WADDANI u bannaan in isagoo raacaya shuruucda dalka uu dacwad ku soo oogo ama uu maxkamad sharci ah la galo Wasiirka Warfaafinta Md. Maxamed Muuse Diiriye, maadaama oo uu xisbigooda ku eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay jabhad hubaysan halis ku ah amniga iyo qarannimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo uu Wasiirkuna xaq u leeyahay inuu dacwaddaas si sharci ah iskaga difaaco oo uu keeno wixii uu caddaymo u hayo eedaynta uu u jeediyey xisbiga WADDANI.

Hasayeeshee, masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ugu horeeyo Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI waxay saxaafadda mariyeen hadallo ay ugu jawaabeen Wasiirka Warfaafinta, iyagoo ay muuqato inay si buun-buunin ah arrintaas uga hadleen, isla markaana ay u jawaabeen si aan ku habboonayn curfiga iyo nidaamka xisbinimo, kuwaasoo xusay waxyaabo aannu Wasiirka Warfaafintu sheegin, soona hadal-qaadin, sida; ‘xisbiga WADDANI waa Soomaali-weyn…’ “Wasiirku waxa uu aaminsan yahay in ciidanka qaranka inta ay isku haybta yihiin Guddoomiyaha WADDANI ay u shaqeeyaan Cabdiraxmaan Cirro…’ weedhahaasi kumay jirin hadalka Wasiirka, masuuliyiinta xisbiga WADDANI, gaar ahaan Xoghayaha Guud-na may qurux badnayn inuu sheego, kana dhigo hadal ka soo baxay Wasiirka. Dhinaca kale, Masuuliyiinta xisbiga WADDANI iyo siyaasiyiinta kale ee Wasiirka u jawaabay dhammaantood waxa ay ka soo jeedaan degaanka uu ka soo jeedo Guddoomiyaha

WADDANI, tusaale ahaan Xoghayaha Guud ee WADDANI, siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa iyo Cabdillaahi Geel-jire, taasina waxay bixinaysaa sawirka kale, maadaama ay Wasiirkana isku degaan yihiin Madaxweynaha, waxaanna habboonayn in si xisbinimo ah Wasiirka loogu jawaabo, iyadoo aynu ognahay in xisbiga WADDANI uu yahay xisbi qaran oo ay hoggaankiisa iyo guddidiisa fulintaba ku jiraan siyaasiyiin reer Somaliland oo dhan ah, balse ma qurux badna in kolba shidhka hore soo fadhiistaan inta ay Guddoomiyaha isku haybta yihiin, taasina waxay sawir xun ka bixinaysaa xisbiga qaran.
Xisbiyada qaranku (KULMIYE, WADDANI iyo UCID) ha aaminaan xisbinimadooda iyo awoodaha sharci ee ay leeyihiin, hana ka hoos baxaan shaadhka ama hadhka qabiilka iyo degaamaysiga ah. Cidda xad-gudub kula kacda sifo sharci ah ha iskaga difaacaan, iyagoo adeegsanaya qaanuuniyadda sharci (legal personality) ee ay leeyihiin, waanna in xisbiyadu bulshada jiheeyaan, balse ma fiicna in xisbiyadu daba-socod u noqdaan dadka caamada ah
ee hannaanka qabiilnimo ku xoogsada.

Comments

comments