Somaliland: Wada Hadaladii Ay Beesha Caalamku Ka Dhex Waday Madaxtooyada Iyo Mucaaradka Oo La Filayo Inay Bilaabmaan

Date:

Waxa la filayaa inay Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradka ee Waddani iyo UCID u bilaabmaan wada hadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka, kuwaas oo ay dhexdhexaadinayso beesha caalamku.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-cirro oo lala sugayay bilowga iyo heshiis laga gaadho wada hadalada ka dib markii uu Madaxweyne Biixi dalbaday inuu goob-joog noqdo ayaa shalay dalka soo gaadhay.

Waxa isna la filayaa inuu dalka soo gaadho ergayga Midowga Yurub danjire Nicolás Berlanga Martinez oo ahaa masuulka isu soo dhaweeyay madaxtooyada iyo xisbiyad  mucaaradka.

Ergayga ayaa wata qorshe ah inay Madaxweynaha iyo mucaaradku kala saxeexdaan shan qodob oo suurtogelinaya in heshiis la gaadho si ay doorashada wakiiladu u qabsoonto.

Si kastaba ha ahaate, wada hadaladan ay beesha caalamku ku hawlantahay ayaa la saadaalinayaa inay noqon doonaan kuwa ugu dambeeya ee sababa inay siyaasiyiinta Somaliland heshiis kala saxeexdaan ka dib markii ay iyagu sidooda ugu heshiin waayeen arrimaha ku saabsan doorashada golaha wakiilada iyo qabsoomideeda iyo weliba qaddiyadda guddiga doorashada.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...