Somaliland: “Mucaarid Ilko Qabow Iyo Macangeg Ishiqaate Ah” Maxamed Baashe Xaaji Xasan

2009 markii uu madaxweyne Daahir Riyaale kala diray guddidii doorashooyinka ee lagu muransanaa waxa saaxadda siyaasadda gilgilayey mucaarid adag oo haysta taageero badan oo shacbi, kuna muujin jirey cududdiisa isu soo baxyo dibadeed oo xoog iyo saamayn badan leh, baaqyo iyo khudbado mawqif cad xambaarsan, kuwaas keenay in la dhegeysto, wada hadallo iyo dhexdhexaadinna ka dhashaan.

Riyaale waxa uu ahaa madaxweyne aan madax adkayn, waaqacana ka taamilo qaata oo aan been-la-noole ahayn.

Dabeecaddaas wacnayd ee Riyaale iyo culayskaas siyaasadeed ee mucaaridka oo is biirsanaya waxa ay horseedeen in la soo gunaanado kala qaybsanaantii siyaasadeed iyo qalalaasihii qaanuuneed ee cirka ku shareernaa ee ku saabsanaa guddidii doorashada sida haddatan taagan oo kale.

30-kii September 2009 ayay dhinacyadii is hayey oo dhami afgarad iyo heshiis wada gaadheen, laguna dhawaaqay in la kala diro xubnihii guddida doorashada, lana magacaabay xubno cusub.

Kala duwanaanshuhu se, 2009 iyo 2019, waa laba arrimood oo kala ah macangegnimada madaxweyne MBC oo wax wada gorfaynta iyo tanaasulka aan far loo darin, iyo dhinaca kale jilicsanaanta iyo qabowga mucaaridka aan beerka bisil kala goyn karin ee baryootanaya.

Weli waa kuwaas baryootamaya ee MBC gadhka iyo gommodda haya, isna waa kaas fuqa kor u taagaya.

Waa mucaarid aan aqoon ama ka baqa in la isku cabbiro, markan oo kale, dibadbaxyo salmi ah oo ay bulshada u hor kacaan, kuna diidaan sharci jebinta xukuumadda iyo ku-tagrifalka awoodda dawladeed.

Sannad iyo toddoba bilood oo MBC talada hayey si walba waxa uu ugu tuntay sharcigii iyo wixii ay ummaddu wada dhigatay ee ay ku heshiisey.

Waxa uu soo dhisay xukuumad dheelli qabali ah oo aan hore loo arag ku jiro. xukuumadihii hore bikh iyo i qarso ayay noqonayaan. Haddii uu “Xabashi yimaaddo, Faranji Xaaji”.

Qoyska uu ka soo jeedo ayuu, sir iyo caadba, MBC ugu qaraabokiilay hay’adihii qaranku wada lahaa in ay, si dadban iyo si toos ahba, u gujo dhaadhyaan. Waa kuwaas naasaha jiidaya ee dhiigga tuunbooyinka dhaadheer kaga nuugaya, una dhigtay jeebadaha waaweyn ee hoosta ka daldaloola.

Sharcigii la dhigtay ayaa isna la laalay oo waxa dalka u sharci ah sida MBC iyo kooxdiisu doonaan. Qofkii la doono waa ta la iska xidho. Waa ta xorriyaddii hadalku sakalaha oodan gashay.

Dhaqaalihii waddanka ee awel hore iska liitey waa kaas sii hagaasay ee dhulka galay.

Kalsoonidii bulshadu waa taas sii kala haydhafaysa ee kala higgoonaysa. Bari iyo galbeed waa taas qaylodhaantu is qabsatay ee yeedhmada tabani ka soo yeedhayso. Waa labasii sano ee sida raha hore loogu boodi lahaa. Waa intii xukuumaddu wax ay berri ku tarsheegato qaban lahayd. Maxay berri masruufan?

Kalsoonidii dawladnimada iyo sharciga lagu qabi lahaa waa taas sii dhimanaysa ee dawladnimadii la wada ilaashan lahaa loo nisbeeyey reerka keli ah markii uu MBC dhinaca uga raray sida kas iyo maanka ah, cid u quturta oo ka diiddana uu waayey.

Ugu dambayn waa taas cirka lagu laalay doorasho waddanka ka dhacda ee barlamaankii iyo golihii degaannada ee muddo-dhaafka ahaa sii muddo-dhaafayaan.

Saddex arrin oo ay Somaliland iibin jirtey laba waa ay sii dhimanayaan, mid na werwer baa ku oogan.

Waa doorashooyinkii iska dib u dhaca badnaan jirey iyo xorriyaddii hadalka oo labaduba sii muuq liita, iyo amnigii iyo kala dambayntii oo laga walbahaarsan yahay marka la eego maamul xumida siyaasadeed ee xukuumadda MBC iyo aflaaqooyinka siyaasadeed ee isbeddellada geeska ee karkaraya, gaar ahaan tummaatida siyaasadeed ee laga soo ganayo dhinaca DF Soomaaliya iyo beesha caakamka oo wayiig ka muujinaysa sida madaxweyne MBC uu wax u wado.

Madaxweyne MBC waa uu badheedhay, wax se maqan badheedhihii mucaaridka, gaar ahaan Waddani oo haysta in ka badan 40% taageeradii shacabka Somaliland.

Ishiisa laga arkaa ushiisa la la dhacaa,
Lax kastaana shillalka ay is dhigtaa lagu qalaa.

Mucaarid adag in Somaliland hesho waxa ku jira badbaadadeeda.

“Inta qaran dhiskiisiyo
Dhidibkiisu taagnaa
Dheeraad nin dooniyo
Nin ku dhega xaqiisoo
Dhacsanaayey baa jira”.

Fiiro gaar ah: gorfayntu inoo furan, inagana reebban aflagaaddo, caytan iyo mawduuca oo lagaa baxaa.

Comments

comments