Somaliland: Hudheel Hargeysa Ku Yaalla Oo 120 Habeen kadib Laga Qaaday Xayiraad Saarnayd Qayb Kamid Ah Saacadaha Uu Shaqeeyo

Date:

Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa xayiraadii ka qaaday Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa, oo ay 03 Jan 2019 saartay xayiraad kooban oo ahayd in hudheelka la xidho 6-da makhribnimo taasi oo ka danbaysay eedo been abuura oo hudheelka laga gudbiyey. Maxkamada Gobolka Hargeysa oo mudo lix bilood ah uu ka socday kiiska dacwada eedaha loosoo jeediyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa ayaa kusoo gabgaboobay in waxba lagu waayey.

Mulkiilaha Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa Md. Cabdirashiid Cali Maxamed Warancade oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa cadeeyey in kiiskii lagu soo eedeeyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa ay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex xukun kasoo saartay, kaasoo ay ku cadaysay in waxba lagu waayey eedihii loosoo jeediyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa, ee ay ku xayirtay markii hore.

Mulkiilaha Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa Md. Cabdirashiid Cali Maxamed Warancade oo u mahadnaqay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa gabagabadii waxa uu soo bandhigay nuqul kamida xukunka maxkamadu kasoo saartay kiiska Hudheelka.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...