Somaliland: “Laguma Dhaqmo Dhaartii Iyo Kitaabkii Gacanta La Saaray..” Madasha Wada-Tashiga Oo Mar Kale Dhalliilay Xukuumadda Iyo Baarlamaanka

Date:

Xubno ka mid ah Guddiga Madasha Wadatashiga Somaliland oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in laga baydhay ku dhaqankii Dastuurka isla-markaana dhaartii ay Illaahay u dhaarteen Masuuliyiinta Dawladdu aanay ku dhaqmin.

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud iyo Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi iyo Xubno dhallinyaro ah oo Guddigaasi ka mid ah ayaa soo jeediyey in sharciga la ilaaliyo oo Ilaahay lagaga yaabo dhaartii.

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Madaxdeena marka xil loo dhiibayo mid walba waxa lagu dhaariyaa (Kitaabka), waynu ognahay culayska dhaartana, markaa Madaxdeenu ha gartaan Culayska dhaarta..”

Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi ayaa isaguna yidhi “Innaga waxay noqotay in inta la dhaarto oo Kitaabkii Gacanta la saaro oo Dhaartii Dastuurka loo laqimo, in Maalin walba haddana Dastuurka la jabiyo oo lagu tumanayo oo inamadii ku dhaartay ku tumanayaan oo aan loo hoggaansamayn, taasina waxay tilmaamaysaa inaynu ka been sheegnay dhaqankii iyo Dawladnimadii wanaagsanayd ee aynu doonayney..”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...