Somaliland: Ceelafweyn, Boqorkuna wax noo sheeg.!!!!!

Date:

Maalintii dhawayd ee uu Boqor Osman Buurmadow,ka hadlaayay in shaqaaqadii Ceelafweyn ay ka dhamaan la’adahay xaga xukuumadda aad iimay gelin,balse sida ay xukuumadda iyo siyaasiyiinta xisbigeeda ka tirsan ugu difaacayaan shirka Burco waxa aan garawsanayaa in xabadii Ceelafweyn ka jirtaybaa ay ahayd mid ka mid ah kaarto SNMtii.

ALLE ha u naxariistee waxyaabaha lagu xasuusan karo Madaxweyne Cigaal waxa ka mid ah in uu meesha ka saaray dhaqan siyaasadeedkii kooxihii kala fadhiyay ee SNMta ay dalka la soo galeen ee ahaa “kaadh ka gubid iyo ku jiqsiinta “, taasi oo ahayd waxyaabihii ugu weynaa ee ay xukuumaddii Tuur ku duntay, tii Cigaalna ay ka dhaqaaqi weyday.

Farsamooyinka noocaasi ah oo aakhirkiina keenay in xukuumaddii UDUB laysku nacsiiyo iyada iyo reer Gabiley, kadib markii ay dhamaan waayeen shaqaaqooyin la dhex dhigay deegaanka Ceel Bardaale, taasi oo lagu daadiyay dhiig badan.

Waxaan kaloo yaqiinsanayaa in shaqaaqadan Ceelafweyn ee xidhmi la’ayd ay ka mid tahay farsamooyinkii kooxdii calancasta ee kaadh ka gubida ahayd, taasi oo mar walba lagaga ilaalinaayay in dadka deegaankaa Ceel Afweyn ilaa Burco wada yaal aanay isu aaminin marnaba, taasi oo ay rag waaweyn oo deegaamada bariga ka ololeynaayay ay shacabka u sheegayeen in weli aan la heshiin.

Arrintan hadda waxa cadayn ugu filan inta saaxiibul caqliga ah in xukuumaddii dhamayd ee ay saarayd nabadayntii cid walba oo ay shaqaaqo dhex marto in ay arrinta Ceelafweyn ee gebagebada ku dhawba ay ku eedeynaayaan boqorka dhiigiisu daadanaayo maalin walba ee shacabkiisii is dilayaan in uu gudan waayay waajibkiisii nabadeyn, iyadoo la doonayo in lagaga hortago in dadka ood iyo dhiig wadaagta ah ee Burco iyo barigeedu ay iska laab xaadhaan wixii is fahan la’aan ahaa ee dhexyaal, islamarkaana ay uga gudbaan la shaqaynta horumarintooda.

Waxaa nasiibdaro ah in xubnihii ku hadlaayay afka xukuumadda iyo xisbigeeda in ay ku doodo in shirka Burco aan loo baahnayn ee Boqorka looga fadhiyo xalinta arrinta Ceelafweyn, waxaanu lee nahay rabshadaha dalka ka jira ee shaqaaqo colaadeed iyo mid nololeed waa masuuliyada laydiin doortay.

Dhinaca kalena iyadoo ay noo cadayd in Ina Biixi iyo Ina Kaahin ay dhameyn karayeen arrinta Ceelafweyn haddii ay daacad ka yihiin aanu leenahay “waar Boqorku wax noo sheeg “, bari waa lagu heshiin, iyadoo aan beelo kalena loo heshiinayn, shirkanina wuxu la mid noqon doonaa kii soo maray Gaashaamo, Baalidhaye iyo Beer ee dadka deegaankaasi ay ku soo afjareen colaadii 1994kii ee ka dhalatay dagaaladii sokeeye ee ay kooxahano hogaaminayeen.

W/Q Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...